Al-shabaab maxay uga dhigan tahay dilkii Horjooge Cali Jabal?

Wednesday August 02, 2017 - 19:33:19
0 Comments
2180
Ma aha markii ugu horreysay ee howlgal lagu beegsanayo horjooge ka tirsan Kooxda Al-shabaab, waxaa hore loo khaarjiyay kuwa badan oo uu ugu magac dheeraa Madaxii Kooxdaasi Axmed Godane oo la xasuusto in lagu dilay howlgal ay sameeyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee loo yaqaan Daroones-ka, balse dilkaan loo geystay Horjeege Cali Maxamed Xuseen oo loo yiqiin Cali Jabal ayaa ah mid si weyn loo soo dhaweeyay, waayo waxa uu ahaa mid qorsheeya ama abaabula Qarxyada iyo Dilalalka laga fuliyo Magaalada Muqdisho, wuxuuna madax u ahaa kooox shabakad ah oo geystaan waxyaabahaasi., waxaa kale uu ahaa mid mar walba u hanjaba Ganacsatada iyo Odoyaal dhaqameedyada, kuna amra inay bixiyaan lacago baad ah.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo wareysiyo kala gedisan la yeelatay qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho si ay u weydiiso sida ay u arkaan dilka horjooge Cali ayaa dhammaantood soo dhaweeyay dilka horjoogahaasi, waxaya ku tilmaameen inuu ahaa midka ugu weyn ee cadowga Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Caasimadda Dalka ee Muqdisho, maadaama uu mar walba soo abaabuli jiray qaraxyada lagu waxyeeleynayo Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay sii waddo dagaalada lagu bartilmaameedsanyo Hor-joogayasha iyo waliba ka ciribtirka meelaha ay Maleeshiyaadka kooxdaasi ku dhuumaalaysanayaan, lana soo gabagabeeyo cimrigooda.

Dilka Horjooge Cali Jabal waxaa xaqiijiyay Dowladda Fedraalka Soomaaliyeed iyo Dowladda Maraykanka, waxaana ka hadlay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo sheegay in howlgalka ay sida wadar jirka ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay horjooge ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka oo u waramay Warfaafinta ayaa tilmaamay in howlgalka uu u dhacay sidii la rabay, isla markaana ay dowladdu aaminsantahay in howlgalkaasi lagu khaarajiyay Horjooge Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal)., wuxuuna yiri "Howlgalka waxa uu ahaa howlgal qorsheysan oo dowladda Federaalka ay u fasaxday Ciidamadeena iyo Ciidamada aan saaxiibada nahay ee nalaga qeyb qaata ciribtirka Al-Shabaab, howlgalka waxa uu ku soo dhamaaday si guul ah, waxaa aad loo bartilmaameedsanayay horjooge ka mid ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), waxaana la aaminsanyahay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay horjoogaha lagu bartilmaameedsanayay.

Wasiirka Eng, Yariisow ayaa xusay in horjoogaha howlgalka lagu bartimaameedsaday uu argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada ka dhaca caasimadda, isagoo intaa ku daray in tallaabada ay qaadeen Ciidamada ay tahay guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Toora toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose uu ka duwanaa howlgaladii hore, isla markaana uu ujeedku yahay in howlgallada lagu ugaarsanayo argagixisada ay ahaadaan kuwa qorsheysan oo aan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aaden Cali (Najax) oo ay SONNA la xariirtay ayaa ku tilmaamay Dilka Horjooge Cal Jabal mid dhabar jab ku ah Kooxdaasi, islmarkasi ahaa xubin aad ugu muhiimsan kooxda, wuxuuna xusay in dilkiisa ay qeyb weyn ka qaateen Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan kuwa ku sugan goobtii ay duqeyntu ka dhacday.
Guddoomiyaha ayaa aaminsan in dilka horjoogahaani ay tahay mid culeyska ka dul-qaadeysa ganacsatada iyo Dadweynaha ku dhaqan Labada Gobol ee Shabeelada Hoose iyo Banaadir, islamarkaan meesha ka saareysa hanjabaaddii iyo baaddii uu mar walba ku hayay Dadkaasi.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliya deegaanno ka tirsan Gobollada dalka, kuwaasi oo bartilmaameedsaday argagixisada Al-Shabaab ee inta badan dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.

kulamo la xariira Ammaanka Dalka ay wada qaadanayeen Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee dalka iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa waxaa looga hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira tayeynta iyo tababarradda Ciidamada, dagaalka lagula jiro argagixisada, xoojinta wada shaqaynta Ciidamada iyo hanashada ammaanka guud ee dalka.

Haddaba maxaa uu uga dhigan yahay Kooxda Al-shabaab Dilkii loo geystay Horjooge Cali Jabal?, waxaa la rumeysan yahay in dilkaasi uu dhabar jab ku yahay falalka argagaxiso ay Kooxdu ka fulin jireen Magaalooyinka Dalka, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo Khubaro dhanka Ammaanka ayaa ammnisan in ay arrintaasi ay hoos u dhigeyso awooddii kooxda ee dhinacyada Qaraxyada iyo dhibaateynta Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

W.Q. C/llahi Ruush

Related Items


Leave a comment