Deegaanka Xaarxaar oo laga hirgaliyey xarun Caafimaad

Monday August 07, 2017 - 03:43:06
0 Comments
1296
Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Mudane Abdinasir Cisman Cuuke iyo Xildhimaan Ahmed Jama ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarunta caafimaadka iyo deegaanka Xaarxaar. Xaruntaan ayaa waxaa iska kaashaday xukumada Puntland gaar ahaan wasaarada Caafimaadka iyo bulshada reer Xaarxaar oo baahi wayn u qabay yagleelida xaruntaan. 

Labadaan masuul waxaa socodkooda ku waheliyey saraakiil kasocotay hay'ada World vission oo Puntland si aad ah uga caawisa arimaha caafimaadka iyo faya dhawrka.

Xildhimaan Ahmed Jamac ayaa si aad ah ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay in xarun caafimaad laga hirgaliyo deegaanka isagoo sheegay in dad badan oo deegaanka ah iyo tuulooyinka ka agdhaw ay aad uga faa'iidaysan doonaan. 

Wasiir Cuuke ayaa isna sheegay in xaruntaan caafimaad iyo xarumo kale oo dhamaan laga hirgaliyey Puntland ay qayb katahay dadaalada ay wasaarada caafimaadku ugu jirto sidii la baahi tiri lahaa baahdi loo qabo xarumaha caafimaad oo dadka u fidiya daryeel.

Deegaanka Xaarxaar oo dhawaan sidoo kale laga hirgaliyey ceel biyood ayaa bulshada deegaankaas waxay dadaal ugu jiraan sidii ay xaarxaar looga dhigi lahaa maagaalo leh dhamaan qaybaha kala duwan ee sahlaysa in dadku ugu noolaadaan si raaxo leh. 

Abdulkadir Hananjeex
Xaarxaar, Nugaal, PL, SOM 

Related Items


Leave a comment