Ciidamo Turkish ah oo gaaray Muqdisho

Thursday August 24, 2017 - 03:49:29
0 Comments
1679

Bisha September ee fooda inagu soo haysa ayaa si rasmi ah loo furaayo Saldhiga Turkiga uu ka furay Magaalada Muqdisho ee ciidamada Somaliya lagu tababaraayo, Waxaana Turkigu Somaliya u soo diray ciidamo

Ciidamadan oo Turkiga Somaliya u soo diray ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 200 oo askari, waana tababarayaal ka tirsan Dowladda Turkiga oo tababari doona Ciidamada Somaliya.

Cemal Cevap oo ah Cilmi bare ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Turkiga hawlgalkeeda Somaliya ee lagu tababaro Ciidamada Somaliya uu shalay billowday.

Dowladda Somaliya ayaa horay u sii diyaarisay ciidamada cusub ee Saldhigaan lagu tababari doono, kuwaasi oo badankooda ah dhalinyaro aqoonyahano ah oo Jaamacadaha dalka ku yaal iyo Dugsiyada Sare ka baxay.

Ciidamada Turkiga oo Ka dagaya Muqdisho,

Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu wada ain la furo Bisha September ee soo socota, waxaana la filayaa in lagu tababaro 10,000 oo askar Somali ah.

Saldhigan waxaa dhismihisa ku baxday $50milyan oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana ay bedkiisa uu la eeg yahay 400M, kaas oo markiiba ay ka qalin jebin karaan 1,500 Askari.

Turkiga ayaa ka mid ah Dowladaha Saaxiibka dhaw la’ah Somaliya ee taageeradooda sida tooska ah u muuqato.

Saldhiga Turkiga uu ka dhistay Xamar

Related Items


Leave a comment