Madaxweyne Farmaajo oo booqasho maalmo qaadan doonta uga bilaabatay Garoowe

Sunday January 07, 2018 - 17:57:11
0 Comments
1428

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Axad ah gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul-Goboleedka Puntland, halkaasi oo uga bilaabatay booqasho maalmo qaadan doonto.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ku wehelinaya Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo halkaasi ay uga sii horeeyeen Wafdi hordhac u ahaa kan madaxweynaha ee maanta halkaasi gaaray.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul-Goboleedka Puntland, Odoyaasha Dhaqanka, Ardayda wax ku barata Deegaankaasi iyo Dadweyne aad u fara badan, iyadoo soo dhaweyntiisa ay u diyaar-garoobeen maalmihii la soo dhaafay, waxaana Magaaladaasi lagu xardhay calamo iyo caleemo qoyan, islamarkaana waxaa garoonka la dhigay Roogga Cas.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha JFS Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Safarka Madaxweynaha uu qaadan doono maalmo, isagoo booqan doono deegaanno ka tirsan Maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, waxuu intaa kuday in madaxweynaha uu bulshada ku dhaqan deegaanadaasi uu u heli doono waqti badan oo uu ku ogaado xaaladahooda.

"Safarka Madaxweynah oo maalmo qaadan doonaa waxuu ku mari doonaa Maamulada Putland iyo Galmudug waxuuna la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, Madaxweynaha waxuu bulshadiisa u heli doonaa waqti badan, isagoo u kuurgali doono xaaladaha dadka ku dhaqan goboladaasi ,Safarka Nadab iyo Nolol waxuu noqon doonaa mid taariikhi ah oo bulshada deegaanadaasi joogo lagu ogaanayo xaaladahooda”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha JFS Cabdinuur Maxamed Axmed

Magaalada Garoowe Waddooyinkeeda waxaa lagu dhejiyey boorar uu ku yaalo Sawirka Madaxwynaha dalka oo halku dhigiisu yahay "mudane Madaxweyne ku soo dhowow dhulka Uduga Puntland iyo Danta,Dadka iyo Dalka, iyadoo Barxadda Garoowe oo ah halku ugu caansan Magaalada ayaa waxaa lagu suray layrar aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment