Waxaan arkaa Soomaaliya oo dunida u soo Ordeyso (Warbixin)

Thursday November 15, 2018 - 01:20:04
0 Comments
1272
Shirkadda Kenya Airways oo ka mid aheyd dayuuradaha duulimaadyada Caalamiga ah ku iman jiray Muqdisho xilligii beri samaadkii, ayaa waxay joojisay duulimaadkooda wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladdii marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991kii, waxaana la filayaa in duulimaadka Shirkadaasi uu ka qeybqaato fududeynta Rakaabka u ka socdaalaya labada magaalo oo ah Nairobi iyo Muqdisho oo ah xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya iyo in la helo howlo ganacsi oo dhaq-dhaqaaq leh.


Shirkadda dayuuradaha Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday inay duulimaad joogto ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018-ka oo ku began maalinta berrito ah oo khamiis ah, arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii uu Masuul u hadlay shirkadda uu shaaciyay in Duulimaadyadu noqon doonaan kuwo maalinle ah, iyadoo Kenya arrintaan kaga gol leedahay inay kor ugu qaado xiriirka hawada ee Afrika ee isku xira magaalooyinka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa dadka, si loo xoojiyo xiriirka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Afrika.

Mr. Sebastian Mikosz, oo ah Madax Shirkadda Kenya Airways ayaa sheegay inay doonayaan muujinta sida ay shirkadooda duulimaad uga go’an tahay isku xirnaanta qaaradda Afrika,iyagoo abuuraya fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha ganacsatada iyo dalxiisayaasha Soomaaliya.

"Waxaan dooneynaa inaan kordhinno shabakadayada oo aan u sahlaneyno martidayada oo u shaqeeyno oo maalgelin doona Soomaaliya, ku daridda wadadan shabakadayada waxay muujineysaa sida aan uga go’anahay in aan hagaajinno isku-xirnaanta qaaradda Afrika, iyada oo abuuraysa fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha, ganacsatada iyo dalxiisayaasha”, ayuu yiri Agaasimaha Shariikadda Diyaaeadaha ee Kenya Airways.

Kenya Airways ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto duulimaad maalinle ah oo ay ku tageyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasi oo lagu wado inay bilowdo khamiista oo ay bishu tahay 15-ka Okttober. Diyaaradkani oo duulimaad maalinle ah oo aan joogsi laheyn ayaa ka bilowday Magaalada New York ee Cariga Maraykanka laba toddobaad ka hor.

Shirkaddu waxay Iclaamisay in Duulimaadyada ay ka baxaya garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), Nairobi saacadda 07:40, sidoo kalena diyaaradda waxay dib kaga soo ambabaxeysaa Garoonka Caalamiga Aden Adde, Muqdisho 10:45 Barqonimo, si ay ugu soo laabato magaalada Nairobi 13:00 Duhurnimo, iyadoo uu Madaxa shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz uu sheegay in duulimaadka maalinlaha ah ay ujeedadooda tahay ama la doonayo in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee socdaalka Soomaaliya, saraakiisha dawladda iyo hey’adaha aan dawliga ahayn ee (NGO-yada) iyo tirada sii kordhaysa ee ganacsatada Kenya iyo gobalka oo doonaya inay ka faa’ideystaan fursadaha bannaan ee dalka.

Kenya Airweys ayaa noqoneysa Shirkaddii seddexaad ee duulimaad Caalami ah ka bilowda Muqdisho muddo 28 sano ah, waxaana ka horreeyay Shirkadaha dayuuradaha Ethiopian Airlines oo maalmo ka hor bilowday iyo Turkish Airweys oo iyana ka sii horreysay, kuwaasi oo si weyn uga qeybqaatay u fududeynta Rakaabka u kala gooshidda Qaaradaha Dunida oo markii hore dhib ku qabay Duulimaadyadaasi markaasi ka hor jiray.

Turkish Airlines ayaa Soomaaliya ku xiraysay dunida inteeda kale muddo 6 sano ah, balse arrintan ayaa u muuqata loollan ay diyaaradaha laga leeyahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ugu jiraan inay ka faa’iideystaan ganacsiga duullimaadyada Soomaaliya ku xiraya Caalamka kale, iyagoo sidoo kalena u daneynaya dadka Soomaaliyeed oo horay Waddamo kale u sii tagi jiray si ay u raacaan duullimaadyada caalamiga ah, sida Kenya iyo Dubaay ee Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay.

Jimcihii hore ayay aheyd markii ay ka soo degtay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho Diyaarad laga leeyahay Dalka Itoobiya, oo lagu magacaabo Ethiopian Airlines, taasi oo sidday Muwaadidiin Soomaaliyeed, waxayna iman doontaa Muqdisho muddo 3 maalmood ah, waxaase xusid mudan in Ra’iisulwasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre in uu horay u yiri: "waxaan Rabnaa Soomaaliya oo ay dunidu ku soo oroddo oo aysan ka ordin”, taasina waxaa ka markhaati ka ah sida Shariikadaha Diyaaradaha ay ugu soo loolamayaan Dalkeenna, marka waxaan arkaa Soomaaliya oo ay dunidu u soo Ordeyso

W.D: C/laahi Ruush

Related Items


Leave a comment