Soomaaliya iyo walaaca duulaanka shisheeye

Thursday September 12, 2019 - 03:06:06
0 Comments
1732
Hadii ay jirto kala fogaansho iyo is fahamka oo xumaad, ma iska celin karnaa Cadowga dibada? Tusaale Dagaalka bada ee nagu socda islamarkaana ay waddo Kenya, waa khatar waxa uuna yeelankaraa wajiyo kale waxaana-nala dagaalamaya dal hey'adiisa dhisanyihiin tan iyo markii uu xorriyadda qaatay.

Run ahaantii Dalkaan waxa uu ka soo baxay dagaalo Sokeeye,mana dhicin dunida casriga ah dal ay burbureen hey’adihii dowliga ahaa Dhamaan,Isla markaana toosi waayay 29sano, iyadoo waqti iyo qarash xoog leh la geliyay.

Waa ayaan darro,waana ku ceeb siyaasiyiinta, iyo indheergaradka Soomaaliyeed inay sidaa iska ahaato Soomaaliya muddo aad u dheer, sidoo kalana waa ayaan daro in siyaasi kastaa uu meesha laga yimid uusan garanayn,ee uu reerka u wado meeshay la noqoto.

Waa in aanan la is yeel-yeelin waxa is hayaa ma aha Dhalinyarada,Haweenka,Culimada , ee waa siyaasiyiinta oo marba dhinac aadaya sida, Maamulada oo hadda aan la ogayn marka doorasho soo dhawaato muxaafidiinta say noqon doonaan. sSidoo kale mucaaaradka lama yaqaan halka uu jirsan doono iyo dowlada dhexdeeda ee hadda  iscalman siday noqon doonaan markii doorasho la gaaro.

 

Ma kula tahay in siyaasiyiinta Soomaalida kala adkaanayaan ? Aniga ilama ahan sababtoo ah horay ayey ukala adkaan waayeen,waxaana Soomaalida ugu wacan ayaan darrada heysata, in markii hore ahaayeen dad miyiga ka yimid,hub iska haysta, islamarkaana unoolaa siday doonaan. Sidoo kale ma’ahan waxa la isku hayo mabda iyo caqiidooyin waa wayn.

Aduunyada kale ma jiro dal Sanad dowlad la’aan noolaan kara ,anaga dad bay sidaan ugu badisaa ama daneeya dowlad la’aanta. Waxay ila tahay in Dowlada hadda jirta ee Madaxwayne Farmaajo hormuudka ka yahay ay saaran yahay masuuliyad wayn oo ah:

  • In Dastuurka la dhamaystiro asagaa dadka dabri kara.
  • In dib u heshiisiin iyo issa saamaxaad la bilaabo.
  • In laga heshiiyo waxyaabaha la isku hayo.
  • In arinka doorashada 2021-ka laga heshiiyo nooceeda iyo qaabkeeda.
  • In Dowladu inkirin xoogaga siyaasada ee jira kolay way aqbali doontaaye.

W/Q: Faysal Ahmed Warsame (Qaran)
Gudoomiyahay Dallada Bulshada Rayadka ah ee Puntland (Punsaa)

Related Items


Leave a comment