Somaliland Ictiraaf Yey uga Baahantahay? Sh. M. Idris

Friday July 24, 2020 - 06:14:59
0 Comments
1531
Waxaan aaminsanahay Somaliland ictiraaf ugama baahna (UN) iyo (AU) iyo cid kale toonna
Somaliland wexey ictiraaf daacad ah uga baahantahay reer Somaliland. Hadaan dhahno 10kii sano oo hore wexey ahayd yagleelka dawladnimada iyo distuurka, 20kii sano ee ku xigey xagey mareen? 

sow ma ahayn sannadaha horumarinta iyo dhismaha dal casri ah oo lagu daydo, oo afrika iyo aasiyaba indhaha u soo taagaan? Waxaan qabaa iney noqon kartey, dadkeeduna dadnimo iyo dawlad jacaylba u leeyahay. Somaliland wexey noqon kartey Singapore! Hargeisina wexey la tartami kartey Hong Kong iyo Helsinki. 

Laakiin nasiib darro - sida soomaali badanba haysata - waxaa la hadhay siyaasi dantiisa u shaqaysta, iyo hogaamin aan han ku jidhin, hiraalna u muuqan. Wexey u qalantey in iyada ictiraafka la weydiisto, ee aaney iyadu weydiisan, waayo qofkii isagu is ictiraafa oo wax noqda ayaa adduunku ictiraafaa. 

Markaan Hargeisa dhex maro ilaa 1994, sannad walba waxaan arkaa dabaqyo qurux badan oo dad leeyahay! Dad dalka raba iney dhistaan oo ka shaqaystaan. Hayeeshee dhanka kale: 

waddo ma jirto, new hargeisa haddaad kasoo baxdo oo jig jiga yar u socoto, adoo lafuhu ku jabeen ayaad tegeysaa! koronto fiican ma leh, biyo meel walba taga ma jiraan, bullaacadaha biyaha hoose qaada warkooda daa. Buundooyinka ha sheegin, togaga maroodi jeex, aw barkhadle, arabsiiyo, dacar buluq, markii roob da’aba dadkey cunaan! Waxaan is weydiiyaa mar walba: 

Tolow duqa magaalada hargeisa somaliland ma ictiraafsanyahay? Wasiirka hawlaha guud ma somaliland buu ku noolyahay, mise samada sare ayuu jiraa! Dadka reer somaliland sidaa si ka fiican ayey mudanyihiin.

Related Items


Leave a comment