Taariikh kooban oo ku saabsan Caalimkii Ibnu khalduun: By Sh. M. Idrus

Saturday July 25, 2020 - 06:21:44
0 Comments
1870
Ibnu khalduun (732 - 808 H) wuxuu ahaa caalim weyn oo ku xeel dheer xagga siyaasadda, dhaqaalaha, dhismaha iyo burburka dawladnimada, arrimaha bulshada iyo horumarinta, waxaana u markhaati ah kitaabkiisa weyn ee loo yaqaan (Hor dhaca kitaabka Ibnu Khalduun).
Isagoo tilmaamaya fadliga aqoonta taariikhda wuxuu yiri hadal murtidiisa lagu soo koobi karo: (Cilmiga taariikhdu waa cilmi muhim ah, faa’iido badan, sharaf leh, maxaa yeelay wuxuu na tusayaa xaalka ummadihii tegey iyo dabeecadohoodi, Nebiyadii (calayhumu salaam) iyo siiradoodii, boqoradii iyo dawladohoodii iyo siyaasadoodii, si wax loogu qaato xag adduun iyo xag aakhiro). 

Murti badan ayaa laga sheegaa akhrinta taariikhda, waxaa ka mid ah (qofkaan taariikhda akhrini, weligiis ilma yar ayuu ahaadaa) (Qofkii aan Tariikhda akhrin waxaa lagu ciqaabaa inuu soo celiyo) (Qofka aan wixii tegey akhrin, waxa taagan iyo waxa soo socdana ma garan karo). 

Qur’aanka Kariimka ahi wuxuu aad noogu boorriyaa (adduunka eega) (dhulka mara oo dhaaya yeesha) (Bulshooyinkii idin ka horreeyey xaalkooda eega) (dhacdooyinka ku waana qaata haddaad garaad leedihiin) sidaa awgeed ayaan jeclahay ilaa maalinkaan akhris bilaabay ku dhowaad 50 sano ka hor ilaa maanta, inaan akhriyo, taariikhda, ayaamaha adduunka, dawladaha iyo hogaamiyayaasha iyo is beddelada ummadaha, welina dhibic kama aanan gaarin! Waxaan is weydiiyaa: 

Tolow qofka u haliilaya ummad malaayiin ah inuu hor boodo oo u sahmiyo, asaan wixii tegey iyo waxa taagan wax badan ka ogayn, sidee ummaddaas iyo isaga ciribtoodo noqotaa?

Related Items


Leave a comment