Walee Rag Jaceyl Baray (Sheeko Qoso iyo Xikmad leh)

Tuesday September 22, 2009 - 07:50:47
1 Comments
6811
Super Admin
Qarnigaan 21aad wax kasta wey hormareyn sida isgaarsiinta, aqoonta iyo tagnoolijiyada qeybaheeda kala duwan. Waxaa sidoo kale hormarkaasi si fiican ula hana qaaday jaceylka u dhaxeeya labo qof oo isdooratay. Inkastoo jaceylka barashadiisa lookala hoorey.

Hadaan Soomaali nahay jaceylka waagii hore wofba si ayuu u macneyn jiray walow raggu ay u yaqaaneyn jaceylka in uu yahay suuro ama kibir laguna yaqaanayey dhalinyarada hadba casrigaas cusub.

Laakiin dumarka wax un bey ka yaqaaneyn inkastoo xishood Alle u dhaliyey iyo usluub wanaag dhaqankeyna, ayaa u suurta galin weysay in ay soo bandhigaan.

Hadaan u soo laabto ragga maanta jira ayaa jaceylka in badan wax ka fahmay marka loo barbardhigo raggii hore ee soomaalida, hadaan tusaale ahaan u soo qaato raggii hore marka ay xaasaskooda u wacayaan midka ugu fiican ayaa waxuu ugu yeeri jiray magaceyda, inta kale waxay isticmaali jireyn magacyo aan fiicneyn sida naayaa ama sina weyneey iyo ereyo aan qofka loo yeeraayo qalbigiisa soo jeedaneyn, laakiin waxaa dhaqankaas maanta badalay jiilka cusub oo marka ay xaasaskooda u wacayaan ugu yeera inta badan macaanto, gacaliso, indho u roon, nafta iyo ereyo badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin oo qofka loogu Waco jecleysanaayo.

Intaas waxaa dheer, wax raggii hore ceeb u yaqaaneyn ayaa raggaan maanta cusub jaceyl u yaqaanaan, waxaana ka mid ah arinkaas in suuqa looga soo adeego iyo in hoosha guriga laga caawiyo xaaska, arinkaasoo raggii hore ay ceeb weyn ka aheyd dhankooda. marka laga reebo in yar oo Alle wax fahansiiyey mooyee.

Dhalinyarada maanta jirta hadaad dhageysato ayagoo la hadlaya xaasaskooda ama qof ay qorsheynayaan in ay guursadaan, adiga oo jaceyl ku heyn ayaaba jaceyl ka qaadeysaa afkooda maxaa yeelay waxay isticmaalayaan erayba erayga uu ka naxariis badan yahay. Dhalinyarada maanta cusub ayaa jaceylkooda inta badan  guuleysto, kaalin lixaad leh-na ka qaatay hadiyooyinka kala duwan ee aalaaba u hadiyeeyaan xaasaskooda ama gacalisadooda taasoo keenta jaceyl fara badan sida rasuulkeyna Maxamed scw inoo sheegay asagoo dhahay “isku hadiyeeya aad is jeclaataane”.

Hadiyadaas ayaa wax kasta noqon karta sida fiyoore, dhar, mac-macaan ay gacalisadaada ay jaceshay ama wax walba oo qof binu’aadan ah qalbigiisa soo jeedan karaan.

Waxaa arin weyn oo lagu farxo ah in maanta ragga jira ay jaceylka aad ula anba qaadeyn, si wanaagsana u xushmeeyaan dumarka, marka gabdhaha maanta jira waxaa la gudboon in ay ka faa’deystaan fursadaan qaaliga ah oo ayagana dhinacooda ay jaceylka ka qabtaan maxaa yeelay horay ayaa waxaa loo yiri “ jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin”, sidaas darteed waxaan kula talinaa gabdhaha Somaaliyeed in aysan dhayicin fursadaan.

Ugu dambeentiina sidoo kale ragga jaceyka aadka u fahmay kula talinayaa in ay meeshaas ka sii wadaan  oo aan laga harin, inta aanan fahmina waxaan leeyahay wax weyn ayaa idinka maqan ee raadiya.

Waxaan jeclaan lahaa in aan aqristayaasha sharaf mudan aan soo dhax dhigo su’aal taasoo ah, waxaan la soconaa in cilmi boodhari iyo qays  ay jaceyl u dhinteyn marka taariikhda ma lagu haayaa gabar soomaaliyeed oo jaceyl u dhimatay ama u wax yeelooday?

Wixii aad ka ogtahay ku soo dir E-mail-keyga Qoraaga.

 Axmed Ciise Xaaji

Bakaaro22@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment