Taxanne: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybta 1aad

Tuesday September 29, 2009 - 08:22:01
0 Comments
5033
Super Admin
Waxaan Akhristayaasha sharafta iyo qiimaha badan ku war galinaynaa in aan si Taxanne ah ugu soo gudbin doona Qisada Book-ga Lamagac baxay Axmed & Nasiib oo uu qoray Qoraaga Da'da yar ee Ahmed Abdirahman Kadawe ( Carabay) Qisadaan waa mid dhab ah oo ku dhacday qoraaga nafsad ahaantiisa. Hadii Allah awooda leh noo saamaxo waxaan Isbuuc Walba, Maalin kasta oo talaado ah akhristayaasha usoo gudbin doonaa qayb ka mid ah qisada ilaa aan ka dhamayno. Hadii aad u baahato Buuga oo dhan lasoo xiriir Maamulka Xaarxaar.

 

Halkaan ka dhagayso Qoraagaa oo ka warbixinaya Qisada Buuga


Axmed wuxuu ahaa wiil Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ee magaalada Nairobi, wuxuuna ahaa wiil bulsho ah dabeecadiisuna ahayd mid aad u furfuran, dhaqankisuna ahaa mid aad u fiican.  Axmed wuxuu la noolaa eedadiis Aamino iyo walaalihiis oo kala ah Qoslaaye, Shucayb, Nuuriyo, Ayaan, Nasro, Nimco iyo C/fataax.

 

Habeen habeenada ka mid ah oo aheyd habeen sabti ah taariikhduna ay ahayd 15 kii  February, 2004 jawiguna uu aad u daganaa ayaa C/fataax wuxuu ka codsaday Axmed inuu raaco caawa si uu u soo baro dumaashidiis Qadiijo, Axmed oo ka caga jiidaya ayaa aqbalay waana lasoo baxay, qadar daqiiqado ah kadib ayaa waxaa lasoo gaaray xaafada Qadiijo oo ku taalay 9 Street ( Nine Street)  waxaana albaabkii garaacay C/fataax  Qadiijo Ayaana isla markiiba ka furtay waxayna tiri

 

Qadiijo: Waan ku salaamay C/fataax

 C/fataax: Waan kaa qaaday abaayo

 Qadiijo: Lakin caawa wiil ayaa kula socdee

 C/fataax: Haa waa walaalkey Axmed ee barasho wanaagsan

 Qadiija: Soo gala soona dhawaada

 markay soo galeen  gudaha ayay wexey la kulmeen gabdho fadhiya gudaha,

Qadiijo: Caawa waxaan idin barayaa dumaashigeey, waxaana

    la dhahaa Axmed, Axmed gabdhahaan waa

    saaxiibadeey    Amaal, Qaali iyo Nasiib

Nasiib: (oo hadalkii boobaysa ) Barashada iigu kaadiyo, kaneeco

 Ayaan liqay oo marka hore iska tufayaa

Axmed: (oo qoslaya) Hadii aad kaneeco liqday waxaa halis ah

    inaad dadkana liqdo

 Nasiib: Sidaas uma afweyn

 

 Kaftan iyo isbarasho ka dib C/fataax iyo Qadiijo wexey galeen haasaawe, Qaali iyo Amaalna waxey aadeen Magaalada, waxaana meeshii kusoo haray Axmed iyo Nasiib, kaftan iyo dacaayad ka dib barasho iyo qosol Axmed baa yiri “Nasiib adigoo kale waligeey ma arkin” Nasiib baa tiri “iga raali noqo hadii aan ku dhibay Axmed, hana ii maleyn inaan waalanahay adaan qalada kaa saarayay” Axmed baa ugu jawaabay “Maya Nasiib uma maleyn inaad waalantahay ee waxaa tahay gabar aad u furfuran waana ka helay dabeecadaada iyo kaftankaaga, waana markii iigu horaysay oo aan arkayo gabar sidan u kaftameysa

 

Nasiib baa tiri “Waad mahadsantahay maadaama ay dabeecadeydu  ku qancisay barasho wanaagsan mar labaad”.

 

Markii cabaar la kaftamayay si fiicanna la isku bartay  ayaa waxaa soo baxay C/fataax, Nasiib baana ku tiri “C/fataax wax la soo raaco ma tihid waayo haasaawe ayaad iska gashay walaalkaana waad ka tagtay”, C/fataax baa ugu jawaabay “Adiga Ayaan kugu haleynayay” Nasiib baa markale tiri “Mar labaad ha u laaban” Kadibna markii la gaaray xiligii hoyaatinka ayay Axmed iyo C/fataax kasoo tageen xaafadii Qadiijo waxaana horay usoo raacday Nasiib waayo isku wado ayeey ahaayeen, markey socdeen cabaar baa waxaa lasoo gaaray gurigii Nasiib oo ku yaaalay 7 Street, kadibna Nasiib baa tiri “Waan idinka leexanayaa oo waatan xaafadeyda ee habeen wanaagsan akhyaarey”” Axmed baa ku yiri “Habeen wanaagsan, balse ha la is xiriiriyo”.

 

Dhanka kale Nasiib waxay eheed gabar aad u fiican, dhaqankeeda iyo Dabeecadeeduna ay yihiin mid aad u wanaagsan bulshana ah, Quruxna alla ku manneystay, Nasiib waxey la nooleed xaaska abtigeed oo la yiraahdo Sacdiyo, wexeeyna dhigan jirtay iskuul ay gali jirtay Galabtii.

 

Related Items


Leave a comment