Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 3aad.

Tuesday October 13, 2009 - 08:41:22
0 Comments
4151
Super Admin
Waa qaybtii Sadexaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.

Axmed wuxuu ahaa wiil aad u degan oo aysan is laheyn da’diisa iyo dhaqankiisa, kamana heli jirin wax yaalaha qaarkood sida meelaha xun iyo meel xun fariisiga, taasoo kaliftay in uu xumaado jaceylkii Nasiib iyo Axmed waayo Nasiib uma kala saarneyn dhalinyarada. Nasiib xumase jaceylku sidiisaba mawaayo cadow. Axmed iyo Nasiib waxaa soo dhex galay khilaaf iyo  buuq joogto ah taas oo kaliftay in Axmed deganaantiisa  ay Nasiib saaxiibadeed ugu beddelaan islaweyni iyo qabweyni.

 

Waxaa dhacday in Axmed iyo Nasiib buuqoodu uu noqdo mid joogta ah, sababta oo ah jaceylku waa mid noocya badan, Axmed iyo Nasiibna jaceylkoodu wuxuu ahaa mid ku dhisan buuq, balse waxa kaliya ee wada socodkooda adkeenayay ayaa ahaa in Nasiib aad ay u jecleyd Axmed.

 

Dhanka kale waxaa jiray Axmed in uu qabay gabar la yiraahdo Sahro oo ku nooleed Dalka Canada. Gabadhaan iyo Axmed waxay isku barteen Dalka Somaliya ayagoo xiriirkoodii uu gaaray ilaa  heer Guur.

 

Sahro markii hore waxay ka timid dalka Canada, kadibna waxaa la is bartay Axmed oo ay walaalkeed saaxiibo ahaayeen, isbarasho iyo jaceyl ay wadaageen muddo dheer kadib ayay Axmed iyo sahro waxay u fakadeen Dalka Ethiopia si sahro ay uga dacwooto safaaradda  kadibna loogu celiyo dalka Canada. Nasiib daro intii Adis Ababa la joogay ayaa waxaa ugu yimid meesha Sahro waalidkeed oo ku raad joogay gabadhooda.

 

Axmed iyo Sahro qoyskeeda waxaa dhex maray dhibaatooyin fara badan, gabadhoodiina waxay dib ugu celiyeen Somaliya. Markii muddo laga soo wareegay oo Axmed iyo sahrana aysan wax xiriir ah yeelan ayaa sahro reerkeedii waxay ku direen Axmed.

 

Axmed Adis Ababa wuu ka wareegay oo wuxuu aaday Dalka Kenya, intii uu Nairobi joogay markasta wuu lasoo xiriiri jiray  Sahro ayaduna aflagaado iyo xumeyn ayay ugu jawaabi jirtay. Muddo kadibn, Sahra waxaa dib lagu celiyay dalka Canada. Iyadoo Axmed iyo Sahra aysan laheyn wax xiriir ah haddana Axmed  kama qarin Nasiib in uu qabo gabar wuuna u sheegay.

 

Habeen habeenada kamid ahaa ayaa Axmed iyo Nasiib waxay joogeen guriga Yaasmiin oo aheyd Nasiib saaxiibteed

 

Kaftan iyo haasaawe kadib Axmed ayaa wuxuu yiri “abaayo I dhegeyso waxaan doonayaa inaan kuu sheego arrin taasoo ah arrin aanan kaa qarin Karin, waayo waa wax ku saabsan nolosheena iyo mustaqbalka  jaceylkeena”.

 

Nasiib ayaa tiri “ii sheeg gacaliye, dadka is jecel ma haboona  in ay wax kala qarsadaan”, wuxuuna ku yiri: “ waa run macaaneey, waad ogtahay aniga nin rag ah Ayaan ahay, raguna wey iska hawa badan yihiin dabcan intaanan  ku baran ka hor waxaa jiray gabdho badan oo soo maray nolosheyda, waxaana jirta in hadii labada qof ee hasaawa wadaaga ay been isu sheegaan uusan xiriirkoodu  xidido adag yeelaneyn, waxaan rabaa inaan kuu sheego in ay jirto gabar hore oo aanu wada soconay ilaa uu xiriirkeenu gaaray in aannu midowno ilaa iyo haddana gabadhaasi waan qabaa oo waa xaaskeyga, inkastoo uusan xiriirkayagu  wanaagsaneyn ama aanaan wada hadlin”.

 

Intaa kadib, Nasiib waxay weydiisay sababta kaliftay in uu xumaado jaceylkoodu, asna si tafatiran ayuu min bilow ilaa dhamaad uga sheekeeyay.

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad

Related Items


Leave a comment