Raali galin Kusocota Xildhimaan Da'ud iyo Akhristayasha Sharafta leh.

Friday October 30, 2009 - 09:34:47
0 Comments
1778
Super Admin
Maamulka Xaarxaar Online waxay halkaan raali galin iyo cududaarba ka bixinayaan qoraal maanta lagu daabacay Shabakada Xaarxaar Online. Qoraalkaas ayaa ahaa mid meel looga dhacay sharafka Xildhimaanka Dawlada midnimada Qaran ee somaliyeed Mudane Da’uud Abdikariin Sh. Cumar.

Qoraalkaas ayaa ahaa mid aysan maamulka sare ee Xaarxaar  waxba kala socon, balse mid kamid ah shaqaalaha Shabakada Xaarxaar  loo keenay kadibna isaga oon ka fiirsan kudaabacay shabakada. Run ahaantii arintaas aad iyo aad ayaan uga xun nahay hadii aan nahay bahda Xaarxaar Online, dhaqanka iyo xeerka shabakadana meelna kama soo galo falkaas xun. Waxayna meel uga dhacaysaa hanaaka Shabakada ee ahaa kashaqaynta  Midnimada, Cadaalada iyo horumarinta Beesha YD.

Xildhimaan Daa’ud Abdikariin waa Xildhimaan qaran, mana ahan mid qabiil iyo jifo toona, islamarkaana  aan uqalmin tilmaamaha lagu xusay qoraalkii sida khaladka ah loogu qoray Xaarxaar Online. Xildhimaanka sidoo kale waxaa uu karti iyo aqoonba  u leeyahay in uu u adeego Qaranka Somaliyeed iyo Beeshiisaba, isla markaana  kan run sheego astaantii  sharfta badnayd ee xilka qaran uu ku qaaday.

Cida soo qortay qoraalkaas sharaf dhaca ku ah xildhimaan Da’ud Abdikariin aad ayaan u dhaleecaynaynaa, waxaana sido kale dhaleecaynaynaa cidkasta  oo  kashaqaynaysa  Colaada iyo kala taga midnimada Beesha YDWaxaan wax kama jiraan iyo been abuur ku timaamaynaa hadalka laga faafiyey Cuqaasha iyo hogaanka beesha ee  Borobogandada ah laguna wax yeelaynayo Xildhibaka.  Waxaan usoo jeedinaynaa cida falkaan ku kacday in ay ka noqdaan, raali galin ka baxshaan.

Bahda xaraxaar Online waxay si khaas ah raali galin aad u heer saraysa gaarsiinayaan Xildhimaan Da’ud Abdikariin oo sharftiisa loo gafay.  Sidoo kale waxan raali galin gaarsiinayaa una cudur daaranaynaa  qoyska Reer Abdikariin Sh. Cumar oo arintaan ay saamaysay iyo akhristayaasha sharafta leh ee maanta daalacday qoraalkaas been abuurka iyo anshax xumada ahaa.

Falkaan waxaa uu noqonayaa kii ugu horeyey ee lasoo darsa Shabakada, waxaana kafiirsanaynaa cida aan access-ka usiinayno webka.


Maamulka Xaarxaar Online

Maamulka@xaarxaar.com

Boston Ma, USA

Related Items


Leave a comment