Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 9-aad

Wednesday November 25, 2009 - 08:41:55
0 Comments
2220
Super Admin
Waa qaybtii Sagaalaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.


·        Geenyadaan doortaayAduun, galabba waa cayne

·        Gabdhahaan jeclaan jiray, Adaan kaaga soo go’aye

·         Sidii gool libaax oo kalaan, Gohayaa waliye

·        Geerida horteed Waxaanahay, gacal walaala ahe

·        Gafna kuu ma quuriyo inaan eedo kaa galo’e

·        Baryahaan guuf baan arkiyo gooni daaq nimo’e

·        Waxaad igu galay saana, Waa’garaad liye.

·        gacal tooyadii waalidkaa, goo il eedahaye

·        Hayeeshee go’aan kaa na tiril,guule naga diidye

·        Hadii aan garoow sado Berraan,naar kugalayaaye

·        Gacan qabashadoodaas Janaan,  gaar islee yahaye

·        Adiguna gaf kooda is kadhoowr, Soo gunanadaye

 

 

Kadibna, Nasiib ayaa tiri “haday sidaas tahay, inta uu kadhamaanayo soon-ka  ma kulmi karno, waayo uma adkaysan karo in aan fadhiyo dhaxantaan kana dhaxo gurigeena”.

 

Habeenkaa wixii ka danbeeyay intii uu soonka ka dhamaanayay  Axmed iyo Nasiib ma aysan yeelan wax kulan ah  markii laga reebo ayagoo iskaga hor imaan jiray  wadooyinka iyo ayagoo ka wada hadli jiray mararka qaarkood telefoon, waxayna kulmeen maalintii Iidda ahayd ayaga oo farxadii Iida wada qaatay oo si wanaagsan u wada iiday.

 

Maalin maalmaha kamid ah  ayaa Axmed iyo  Nasiib waxay ku kulmeen guriga Bahjo waxuuna ka soo tagay xilli duhurkii ah soona aaday gurigoodii.

 

Asagoo aan joogin mudo hal saaca  ayaa waxaa kadaba yimid oo guriga ugu yimid Nasiib iyo Bahjo, Axmed  oo layaaban waxa soo kaxeeyay gacalisadiisa iyo saaxiibteed oo uu hadda ka soo tagay ayaa ku yiri

 

“waan idin salaamay ma wax dhibaa jira” Bahjo ayaa u jawaabtay oo tiri “waan kaa qaadnay walaal,  laakiin mid ayaan kuugu nimid in aan kuu sheegno taasoo ah in ay Nasiib  baxayso”,

 

Axmed  ayaa la soo booday “Maraykan miyay u socotaa?”, Nasiib ayaa ugu jawaabtay  “haa, maraykan ayaan u socdaa”, Axmed baa mar kale yiri asagoo arinta dhalanteed u qaba “sidaas laguma baxee nagadaaya ciyaarta anigaba bosaaso ayaan u socdaa caawa oo falaygii baa ii dhagan”,  

 

Intaa kadibna ayagoo wali isfahmin ayay isa soo raaceen waxayna soo aadeen guriga Nasiib, suuqaana macmanaan horay looga sii gatay, waxayna tageen xaafadii waxaana la joogay xaafadii ilaa iyo habeenkii saq dhaxe, kadibna waxay soo dhaweeyeen Axmed oo waxay keeneen meel u dhow gurigooda, kadibna Axmed iyo Nasiib ayaa ubaxay gooni waxuuna waydiiyay arrintii  galabta oo uu u qabay kaftanka oo aheed in ay baxayso, waxayna ugu jawaabtay “maya waaniska kaftamay”, kadibna way is macsalaameeyeen.

 

Kadibna Axmed waa uu soo tagay waxuuna soo aaday gurigoodii, Axmed subaxii mar kuu kacay ayuu waxuu soo aaday  guriga Bahjo waxaana joogay Bahjo iyo Nasiib salaan kadib, Axmed waxuu u gudbay gudaha, asagoo daawanaaya telefishin  ayaa waxaa u soo galay Bahjo waxayna ku tiri “na sii sug oo hanaga tagin, Nasiib Ayaan alaab lasoo gadayaaye”

 

Cabaar kadib, Axmed waxaa soo wacay saxiibkii Cumar oo u sheegay in uu walaalkii shil galay, Axmedna waxuu u cararay goobtii walaalkii uu shilka ku galay,  waxuuna kasoo laabtay hal saac oo habeennimo waxuuna soo aaday guriga Bahjo oo uu ku ogaa gacalisadiisa, waxuuna ugu yimid Bahjo kaligeed waxuuna yiri

 

"Abaayo sidee tahay Bahjo ayaa tiri “waan fiicanahay ee maxaad nooga tagtay” Axmed ayaa ku yiri “abaayo walaalkay oo shil galay baa la ii soo sheegay marka asagaan aaday ee meeday Nasiib”, Bahjona waxay u sheegtay inay baxday, Axmed  ayaa weydiiyay meesha ay aaday Bahjo waxay u sheegtay in ay eldorate aaday, Axmed ayaa misna weydiiyay sababta ay u baxday, bahjana waxay u shegtay in ay habaryarteed ilmo la kaxeysay Axmed  ayaa ku  yiri “laakiin iima aysan sheegin”,  Bahjo ayaa ku tiri “waanu kuu sheegnay anagoo dhan ee adaa aamini waayay”  kadibna Axmed waa uu ka soo tagay oo waxuu soo aaday gurigooda, markuu yimidna Nasiib ayuu moobeelkeedii ka wacay,  waxuuna waydiiyay in ay baxday iyo inkale waxayna u sheegtay in ay baxday.

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad. Q.4aad. Q.5aad. Q-6aad.Q-7aad. Q-8aad 


Related Items


Leave a comment