Talo bixin khusaysa soo afjarida burcad badeednimada Somalia

Sunday April 26, 2009 - 08:40:19
0 Comments
22914
Super Admin
Ugu horayntii, waxaa laga yaabaa in lagu guulaysan karo la dagaalanka Burcad Badeednimada Somaaliya, hadduu maamul goboleedka Puntland, Oday-dhaqmeedyada beelaha, Ganacsatada, Cuqaasha, Degmooyinka, waxgaradka iyo dhammaan Qaybaha kala duwan ee Jaaliyaddaha Puntland si buuxda uga so qayb galaan barnaamij xog-uruurin, tala-bixin iyo wada tashi oo looga hortgayo Burcad badeedka islamarkaasna laga helo teero buuxda iyo iskaashi guud Beesha Caalamka.

Arimahaas waxay dhaqan gallin kartaan xeelo lagu wiiqi karo afduubka khadka ganacsiga/samafalka caalamiga ee badda cas ama looga hortago karaa carqalado kale oo ka iskumi kara Gobolka. Waxaa xusid mudan,  haddii la Dhaqan galliyo barnaamij ka duwan kan kor ku xussan, waxay iila muuqataa inay tahay talo aan lalafa gurin ama oorka oo caloosha laga raray.

 

Sidaan wada ogsoonahay howlgalka burcad badeednimada  Somaliya guud ahaan, gaar ahaana gobolka Puntland ay tahay midaan aad u qoto dheerayn ama ay tahay midaan ku salaysneen siyaasad iyo arimoh la xiriira laakiin ay tahay kaliya mid dhaqaale. Waxay xaqiiqadu tahay, haddii aan si dhoqso leh loo soo afjarin inay dhalin karta khatar balaaran oo dhib weyn u keeni karta Somaliya oo dhan. Dhibaatooyinkaas oo la oran karo kuwa saameeya siyaasad, dhaqaale, bulsho ama qarannimada daro soo wajahi kara dalka.

 

Marka la eego xeerarka ka yaala Burcad badeednimada, dhammaan Ha'adah aduun weynaha ha ugu horaysee UN ka waxay si wadajir ah u ansixiyen in lala dagaalamo Burcad Badeednimada.  Haddaba, waxaan si xushmad leh ugu soo jeedinaayaa maamul goboleedka Puntland iyo dadweynaha reer Puntlandba muhimada gaarka ah ay leedahay in la qabto wada tashi loo dhan yahay oo ku salaysan xaqaa'iqa iyo xogwaranka kor ku xussan iyadoo lala kaashado Beesha Caalamka gaar ahaan "kuwa aan dowliga ahayn" si looga hortago ama loo soo afjaro carqaladan taagan. Sida dhabtu  tahay wada tashiga iyo xal raadintaba lagu qotomiyey nabad iyo cilmi baaris ehel u ah  tala bixinta Gobolka Puntland.

 

Maxamoud D. Sheikh-Nor

Related Items


Leave a comment