Mu'markii dhalinyarada Somaliyeed oo si wanaagsan ku dhamaaday

Thursday December 31, 2009 - 12:41:38
0 Comments
3675
Super Admin
Mutamarkii ugu waynaa ee waligeed lagu qabto Boston ayaa kusoo gabagaboobay si wanaagsan oo damaashaad iyo farxad leh.

Mu'tamarkaan o soconayey 3 maalmood oo kala ahaa Dec 25, 26, 27, 2009 ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad tira badnaa oo iskaga yimid gudaha iyo Gobalada kale ee Marykanka. Dadkii isku yimid ayaa waxaa ay si gaar ah uga kala yimaadeen Goballada Maine, Ohio, Vermont Minneapolis, dhamaan dadkaas waxaa ay u badnaayeen dhalinyaro maadaama Mutamarku ahaa mid si gaar ah loogu talagalay dhalinyarada. Mutamarkaan oo dhaca sanadkiiba labo jeer ayaa waxaa si wada jir ah u marti galiya dhalinyarada Gobalada New England waxaana si gaar ah u martigaliyey midkaan dhalinyarada Altaqwa Students ee Masjidka Altaqwa ee Magaalada Boston.

Kulan diimeedkaana yaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay kaalin wayna ka qaatay Culimo kala duwan oo ka kala timid gobolo kala duwan, waxaana hor muud u ahaa Sh Abdullahi Sh. Ibraahim oo Magaalada Minneapolis ka yimid caanna ka ah Somalida dhexdeeda mudo dheerna dacwada kasoo waday bariga Africa. Culimada ayaa si heersare ah uga hadlay arimaha dhalinyarada  Somaliyeed haysta maanta muxaadarooyin iyo Nadwoyinka kala duwan ka baxshay arimaha dhalinyarada kuwaas oo isku jiray dardaaranm, talo soo jeedin iyo waliba baarujinta dhalinyarada si ay sare ugu qaadi lahaayeen wax barashadooda iyo isku xirnaantooda maadaama uu ka danbeeyo wadan burbursan muda dhan labaatan sano.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale kaalin wayn ka qaatay Kulan diimeedkaan ayagoo dhiibtay ra'yigooda ku aadan horumarinta dhalinyarada dhaqan ahaan iyo diin ahaanba. Waxayna tusaaleyin sida fikirka khaldan ee maanta dhalinyarada laga dhaadhicinayo uu saameen wayn ugu leeyahay bulshada somaliyeed ee ku dhaqan qurbaha iyo gudaha wadankeena Hooyo maadaama ay jiraan dad shaati u gashtay in ay xadaan caqliga dhalinyarada soo koraysa si ay uga qayb noqodaan waxa somalia kasocda maanta. Waxay dhalinyarada si toos ah uga hadleen xiriirka u dhaxeeya waalidka iyo dhalaankooda muhiimada uu leeyahay, maadaama ay waarid badan aysan ka warqabin xaaladaha ay ku sugyihii caruurtooda balse hadii laxoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa waaridka iyo dhalaankooda ay qayb wayn ka noqon karto sare uqaadida dhaqanka wanaagsan iyo tacliinta dhalinyarada somliyeed meelkasta ay joogaan siiba qurbaha.

Waxaa sidoo kale aan meesha ka maqnayn iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee u adaaga bulshada somaliyeed ee reer Boston ay qayb weyn ka qaateen kulan diimeedkaan ayagoo ku taageeray fikir iyo dhaqaaleba. Masuuliyiin kakala socday xarumaha ACEDONE, SDC iyo RIAC oo ah adeegayaaha bulshada reer Boston ayaa siyaabo kala duwan uga haldlay arimo muhiin u ah Somaliyada hadii ay noqon lahayd xaga caafimaadka, Arimaha Qoyska, shaciyada, shaqaalaynta iyo guryaynta, waxayna aad ugu faraxsanaayeen sida wayn ee bulshada Somaliyeed ee Reer new England gaar ahaan reer Boston ay isku xiranyihiin siiba dhalinyarada oo run ahaantii dhaqdhqaado iyo horumarkoodu uu xoogan yahay dhanac walba marka loo eego gobalada kale ee USA ee Somalidu dagan tahay.

Kulan diimeedkaan oo si agaar ah u xambaarsanaa fariin ah in laxoojiyo waxbarasha dhalinyarada diini iyo maadiba ayaa waxaa uu lahaa tartamo Diini ah oo lagu tartamay Quraanka iyo Kudub Fighi ah. Tartamadaana ayaa waxay u dhaxeeyeen dhalinyaro kasocotay Gobalka Ohio iyo dhalinyarada New England oo Boston ay hormuud u ahayd. Waxaa dhamaan tartamadaan lagu bixinayey Abaal marino iskugu jiray Lacag iyo shahaadoyin. Nasiib wanaagsan dhamaan tartamdii waxaa ku guulaystay dhalinyaradii matalaysay New England oo Boston ay hor kacaysay.

Dhinacaas waxay hayd dhinicii aqoonta iyo waxbarsaha, waxaa sidookale Kulandiimeeka Nus sanadlaha ah ee dhalinyarada Somaliyeed e New England oo dhalinyarada Masjidka Altaqwa ee Boston ay marti galinayeen uu lahaa Koob ay u dhigeen dhalinyarada Cayaarta Kubada Cagta. Koobkaan oo lagu marti sooray sideed koox oo kala kala imaanayey Ohio, Portland, Lewiston, Vermont iyo Boston oo afar koox ka imaanayeen ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka indoorka ah ee Tobin Community Center. dhamaan waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro wanaag aad u heer saraysa, koox walbana waxay Garoonka latimid fariin ah sida dhalinyarada Somaliyeed ay muhiim u tahay in ay kawada shaqeeyan horumarintooda si wadankooda ay ugu soo dabaalaan Nabada iyo Barwqaaqo waarta. Markii ay kooxihii is wada arkeen ayaa ayaa waxaa ciyaatrii kama dambaysta isku soo baxay  labo koox oo Boston, waxayna guushii raacday kooxdii marti galinaysay Koobka iyo Mutamarka dhalinyarada ee kasocoday Masjika Altaqwa ee Boston.

Ma aan waraystay dhalinyarada ciyaaraysay Koobka ayaa sheegay in koobkaan uu ahaa kii ugu horeeyey ee si heer sare ah oo noocan oo kale lagu qabto Boston, waxaana ka muuqtay farxad iyo isjecayl dhexdooda ah iyadoo sidii caadinka ahayd aysan dhicin waxa buuq iyo is qab qabsi ah. Lacibkii ugu wanaagsanaa Koobka ayaa lasiiyey Maajid Abdalla oo u horseeday kooxdiisa Altaqwa in ay hanato Koobka. Waxaa kale oo jira ciyaartow badan oo run ahaantii soo badhigay ciyaar wanaag iyo akhlaaq lehna mustaqbal wanaasan sida Guuleed yare, Omar Yare,  Ibraam Ohio iyo Mohamed Cabdalla.

Sanadka soo socda ee July 2010, waxaa Kulan diimeedka dhalinyarada lagu qaban doonaa hadii allah yiraahdo magaalada Columbus Ohio. Waxaana marti galin doonta dhalinyarada New England iyo Ohio oo mid ah waxaana laga maamuli doona Boston maadaama hogaanka dhalinyarada ay Boston hayso.

Ardayda Altaqwa  iyo Masjidul Taqwaa waxay u Mahad celinaynayaan  Hooyooyinkii  3dii maamoodba uu mutamarku socday si heer sare ah u marti sooray martidi shafkii kala kal yimid gobalada iyo Dhamaan qaybaha kala duwan ee  bulshada reer Boston  sidii hagar li’ida lahayd ay gacanta uga geestayteen in uu qabsoomo kulan diimeedkaan Allah ka sokaw iyo kasoo qayb galkoodaba. Waxaan sigaar ah ugu mahad celinaynaa Walaakeen Abdullahi Canshuur oo noo suura galiyey in Mu'tamarka aan ku qabsano Masjidka wayn ee ISBCC, waxaan leenahay abaal ha kaagaaro. 


                         Abdullahi mailto:Xagalle~Xagalle@bostonislamicenter.net

Related Items


Leave a comment