Waraaq Furan oo ku socota Qurba Joogta Beesha YD

Saturday January 09, 2010 - 07:29:12
0 Comments
2565
Super Admin
Waraaq Furan

Ku:   Jaaliyadda Beesha YD ee nool wadanka debediisa
.

Ujeeddo:  Xog waran iyo talla soo jeedin.

 

 

Mudunayaal iyo Marwooyin, shaki la`aan inaad jeceshihiin war fiican inaad gudaha ka maqashaan sidaan u jecelnahay inaan idin ka maqalno war wanaagsan, haseyeeshee waxaad ila ogoshihiin in la sameeyo taariikhda fiican iyo tan xun labadaba.

 

Beesha YD waqtiyadan dambe waxay u jeeday dhinaca fiican taasuna waa warka fiican ee aad jeclaan lahaydeen maqalkiisa, laakin waa mid bilow ah oo u baahan sii wadis iyo dhamaystir.

 

Walaalayaal, beesha waxaa haysta dhibaatooyin u baahan tallo iyo waxtar , waxayse aad ugu baahi qabtaa tallo ay u dhan tahay si ay wada jir ugu hawl gasho fulinta taladeeda, dhibaatooyinka xalka u baahan waxaa ka mid ah:

 

o   Gaabiska ka jira dhinaca adeegyada sida waxbarashada, caafimaadka , biyaha iyo deegaanka.

o   Faqriga dhaqaale xumidda iyo shaqa la`aanta haysata xooga beesha  shaqayn kara

o   Xiriirka aan fadhin , mararka qaarkoodna keena gacan ka hadal iyo dhiig daata ee beesha iyo beelaha la deriska ah .

o   Aragtida laga haysto beesha guud ahaan deegaamada Puntland oo hoos u dhacday wixii ka dambeeyey burburkii qarankii Soomaliyeed.

o   Beesha oo aan ku lahayn golayaasha maamulka dawladda Puntland xubnihii ay mudnayd.

o   Iyo tan ugu daran oo ah beesha oo aan lahayn tallo iyo go`aan mid ah oo ay ku hawlgasho marka ay taagan yihiin arrimaha masiirka iyo mustaqbalka beesha.

 

Waxay ila tahay inaad is weydiinaysaan oo maxaa xal ah haddii sedan xaalku yahy? Xalse ma leeyahay xaalka reerku? Jawaabtu siday aniga ila tahay haah xal waa leeyahay,haddii lawada doonayo xalka dhibaatada iyo  hoosaynta lagu jiro lagaga bixi lahaa.

 

Hadaan aragtidayda idiin hor mariyo waxaan xal u arkaa arrimaha soo socda:

  • Midnimo . wadatashi iyo tallo mid ah.
  • Cilmi , caqli , maal iyo cudud laysu geeyo.
  • Hogaan midda ,distoor iyo hufnaan laysku maamulo.
  • Aqoonta iyo aragtida caafimaadka oo la adeegsado marka wax la qabanayo.
  • Beeshu ciddii ay hawl dirsanayso in loo eego aqoonta iyo kafaa`ada.

Hadaba si guulo loo gaaro waxaan ku tallin lahaa qoddobada soo socda:

  • In la qabto shir weyne beeshu ka qaybgasho gude iyo debed.
  • In shirkaas ay ka soo baxaan go`aamo waxtar u leh beesha xilliga dhow iyo xilliga dheer intaba .
  • In shirkaas uu ka samaysmo guddi siyaasadeed oo hogaamiya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha , xiriirada gudaha iyo debedda dalka ee danaha beesha
  • Hogaamiye dhaqameedka beesha  aan hadal ka taagnayn.
  • Nidaamka hawsha nabadoonada iyo sida ay ula shaqaynayaan hogaamiyaha dhaqanka ee beesha iyo guddiga siyaasadda beesha.
  • Distoorka beesha .
  • Xiriirka beesha iyo beelaha la deriska , dawlad goboleedyada iyo dawladda Soomaaliyeed.

Anigu maanta waa iga intaase bal idinkuna fakara oo wax ku sii dara tallada.

Asaamu calaykum


Professor Abdirizak A. Gurey

Bosaaso, Somala

Related Items


Leave a comment