Caddaay oo maanta kadhex muuqday ciyaaraha Horyaalka Dalka Britain

Tuesday January 12, 2010 - 09:32:35
0 Comments
4146
Super Admin
C/SALAAN IBRAAHIM ‘’CADDAAY’’ wiil Soomaaliyeed oo maanta ka soo dhaxmuuqday ciyaaraha Horyaalka Dalka Britain

Waxaa caawa ka soo dhaxmuuqday tartanka Horyaalka dalka Ingiriiska ciyaar ku dhaxmareysay garoonka  Mancity  kooxaha kale ah Manchester City iyo Blackburn Rovers wiil Soomaaliyeed oo ka tirsan kooxda MAN City magaciisana la yiraahdo Cabdi Salaan Cabdul Qaadir Ibraahim ‘’Caddaay’’.

Run ahaantii caawa waxay u ahayd Soomaalida degan dalka Ingiriiska habeen farxadeed kadib markii ciyaarta labada kooxood ku dhaxmareysay tartanka Horyaalka Dalkan Ingiriiska oo dunida dhan si toos ah looga daawanayay uu ka soo dhaxmuuqday ciyaaryahankan mustaqbalka wanaagsan islamarkaana ah Wiil Soomaaliyeed oo muda ka soo tirsanaa kooxda dhalinyarada Mustaqbalka kooxda Manchester City oo  ugu dambayntii ku guulaystey inuu u soo gudbo kooxda heerka kowaad ee Man City .

Kooxda Man City ayaa waxaa macalin u ah macalinka Robert Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga islamarkaana ahaan jirey ciyaaryahan aad ugu wanaagsan kubadda cagta soona noqday macalinka kooxda Inter Milan ka hor inta uusan  noqonin macalinka kooxda Manchester City.

Kooxdatan ayaa waxaa iska leh hantiile u dhashay dalka Imaraadka Carabta  lehna shirkadatan( Abu Dhabi United Group Investment ) islamarkaana waxaa u safta ciyaaryahano caan ah sida Robinho, Taves, Viera, Adabayor, Koule Toure . Bellamy Shay given, Shaun Wright Philipps, Gereth Barry  iyo ciyaaryahano kale, waxaana la saadaalinayaa inay soo iibsan doono laacibiin kale oo dunida magac weyn ku leh kubadda cagta  waqtiyada soo socda madaama hantiilaha Carbeed uu doonayo inuu kooxda Manchester City ka dhigi mid ka mid kooxaha ugu awooda badan dunida.

C/salaam waa 18 sano jir ka dhashay 1991 markii dalkeenii uu burburey balse waxaase dhalay C/qaadir Mohamed Ibraahim oo ku magac dheer Caddaay oo ahaanjirey Garsoorayaashii kubadda cagta dalka Soomaaliya islamarkaana noqday garsoore caalami ah, waxaan qadka telefoonka kula tiigsaday caawa isagoo ku sugan garoonka Man City si aan wax uga ogaado  habeenka taariikhiga ah iyo jawiga farxadeed ee wiilkiisa .

Run ahaantii caawa  waxay noo tahay dhamaanteen habeen farxadeed  Soomaali oo dhan, waxaana filayaa in magacii Soomaaliyeed iyo C/salaan laga sheegayo ideecadaha kale duwan ee laga daawanayo ciyaartan ku dhaxmareysa kooxaha kale Man City iyo Blackburn, aniga waxaan dareemayaa farxad iyo inay tahay tilaabo aan u qaadnay xaga Isboortiga meel fiicana aan mareyno Ilaahna waxaan ka rajaynaynaa inuu nala garab galo guulna uu ka gaari doono C/salaam kubadda cagta Insha Allah, balse waxaan waalidiinta Soomaaliyeed xusuusinayaa inay caruurtooda mustaqbalkooda sidii ay xooga u saari lahaayeen ay ku dadaalan ayuu mudane C/qaadir Caddaay oo markaas ku sugnaa garoonka.

Kooxda Manchester City iyo kooxda Blackburn ciyaartii  dhaxmareysay waxay ku dhamaatey in 3 Goal iyo 1 Goal ay ku badiyaan kooxda Manchester City, halka C/salaam yarane uu ka mid ahaa ciyaaryahanada Kaydka u fadhiday kooxdiisa., tanina waa biloow wanaagsan marka aan eego da’diisa iyo ciyaaryahanada waaweyn ee magaca ku leh kubadda sida uu wax ula qaybsanayo insha Allahna waxaan u rajaynaynaa guul iyo horumar badan.

Waxaa xusid mudan in Isboortiga iyo  fanka ay noqdeen kuwo kor u qaadaya magacii Soomaaliyeed  tusaale ahaan sanadkii tagay waxaa isna u soo gudbay kooxaha heerka kowaad Seria A  ee dalka Talyaaniga wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Ayub Daa’uud , kasoo ka mid noqday kooxda Juventus islamarkaana u safety kooxdiisa 20 –kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, Ayuub waxaa isna dhalay Daa’uud Jeenyo oo ka mid ahaan jirey ciyaaryahanadii hore ee dalka Soomaaliya iyo kooxda jeenyo LLPP ee Wasaaradda howlaha Guud  iyo Abtiigiis Ayuub Jeenyo macalinka Kooxda Jeenyo Allaha u raxmadee, dhanka kale Fanka Fanaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Keynaan Abdi Warsame ayaa isna lagu wadaa inuu furitaanka Cayaaraha Aduunka ku furo heesta caanka  dunida ka noqotey ‘’waves flag’’ 2010 FIFA World Cup, halka ay  Culumadii Diinta, Aqoonyahanadii , Siyaasiyiintii  indheer garadkii iyo Waxgaradkii dalka Soomaaliyeedna ay hoos u dhigayaan magacii Soomaaliyeed kadib markii ay ku dhaxdooda iskaga mashquuleen.

C/salaam Caddaay oo hada ka mid ah xulka Dalka Norway under 19 ayaa la saadaalinayaa inuu ka mid xulka Qaranka dalka Norway kadib markii saakay lagu qorey  jaraaidka dalka Norway warbixin ka hadlaysa kulanka uu caawa kooxdiida Man City iyo Blackburn.


W/D: Yusuf Yusuf

Sports Editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London, UK

Related Items


Leave a comment