Raali galin iyo dib u sixid shirkii Beesha ee kadhacay Xaarxaar

Tuesday April 28, 2009 - 10:37:10
0 Comments
10831
Super Admin
Anagoo ah Bahda shabakada Xaarxaar Online waxaan si aad ah uga cudur daaranaynaa qaabkii daabacaada magacyada marti sharafkii kasoo qayb galay shirkii Beesha ee kadhacay Xaarxaar 4/28/09. Qoraalkii oo saxan waa kan.

Waxaa dhawaan kusoo gaba gaboobay dagaanka Xaarxaar shirwayne soconayey maalmo oo ay iskugu yimaadeen Dhamaan beelaha YD.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo kala leh Nabadoonada, Cuqaasha, Aqoonyahanda, dhalinyarada, Ganacsatada iyo Haweenka.

Dhamaan marti sharafkaan ayaa ka kalayimid magaaloyinka kala duwan ee P/land. Xiliyadaa uu soconayey isu imaadkaan aya waxaa la akhriyey quraan aad u badana Allah-na  lagu baryey goobta uu kadhacayey shirka.

Kulan kaan oo ay hogaaminayeen Nabadoon Cali Geele Maxamed iyo Xildhibaanka DFKM Siciid Axamed Oday ayaa waxaa looga hadlay arimo dhawr ahaa kuwaas oo u muuqday in ay aad muhiim u yihiin laga hadlidooda. Qodobada laga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa xalinta khilaafaadka dhextaala beesha taas oo ah arinta ugu muhiimsan. Nabdoon Cali Gelle ayaa shirka furay waxa uuna ka shekeekeeyey arimaha halkaas la isugu yimid waxaana uu yiri   “waan in la dhamaystiraa oo xal loo helaa  khilaafaadaka ka jira cida dhexdeeda si horumar loowada gaaro waxna loowada qabsado" hadalkaas oo ay isku raaceen dhamnaan nabadoonada.   

Waxaa sidoo kale madasha shirka ka hadlay waxgard aad ubadan oo ay ka mid yihiin  Suldaan Maxamed Axamad Cabdule, Nabadoon Ahmed Muumin Cumar, Nabadoon AbdiKhaliif Mohamed Adan , Nabdoon Maxamed Xaaji Maxamed Nabadoon Cali Faarax Cali, Nabadoon Daahir Adan galaal, Nabadoon Ahmed Mohamed Adan, Nabadoon Cali Khaliif Cali, Nabadoon C/casiis Cali Ciiro, Nabadoon Jaamac Cali Wayrax iyo Nabdoon Axmad Cabdule oo ah suldaanka aabihii.

 

Isku imaadkaan ayaa waxaa kasoo baxay sideed (8) qodob oo aad u muhiimsanaa kuwaas oo ku dabakhan xaaladaha maanta taagin ee kala duwan. Waxaa kale oo isla madashaas shirka lagu doortay Gudi caalami ah oo ka kooban 21 xubnood oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee beesha sida Nabadoonada iyo bulshada kale . Gudigaan  ayaa waxaa loo doortay in ay ka soo munaashaqoodaan qodobada kana sameeyaan kuwo faahfaahsan oo lagu dhaqmo ayaga oo markasta la kaashanaya shariga islaamka qodob walba waxa uu ka qabo  

Sidoo kale gudiga Caalamiga ah aya codsaday in aan lashaacin sideeda qodob ee kasoobaxay shirwaynaha  Xaarxaar ilaa uu ansixiyo Ugaaska beesha  YD Ugaas Cumar Geele Maxamed  oo la horgayn doono qodobada iyo godigaba isla maalmahaan nagu soo aadan. 

Daawo Sawiro lagasoo qaday shirka:

Muhannad Xaad- Mxaad@xaarxaar.com-  Burtinle, P/land 

 

 

Related Items


Leave a comment