Rotterdam oo ku guulaysatey koobkii HAF TOURNAMENT 2009

Monday January 18, 2010 - 09:33:05
0 Comments
3223
Super Admin
Malintii axada ayaa waxaa lasoo gaban gabeeyay ciyaaraha Koobka HIRDA AFT 2009 oo ka soconayay wadanka Nederland Gaar ahaan garoonka Sports Hallen Amsterdam Zuid ciyarahaas oo ay soo qabanqabisay Hay’ada HIRDO ee fadhigeedu yahay magaalada Amsterdam, koobkan sidiisaba waxaa la bilaabay sanadkii 2005m kanina waxa u noqonayaa koobkii 5aad sida ay ii sheegeen soo qaban qaabiyayaashii koobka islamarkaana waxaa ka soo qayb galay ciyaaraha sandkaan 2009 waxaa ka so qeybgalay 16 kooxood oo kala ah

 

GROUP A
HIRDA
Delft
Norwey
Eindhoven

GROUP B
Nejmegen
Amersfort
Veenendaal
Tilbrug

GROUP C
Belgie
Somvao
Reeuwijk
Vlaardingen

GROUP D
Venray
Dordrecht
Rotterdam
Maastricht


Markii ay is arkeen kooxahan oo dhan ayaa waxaa soo baxay  8 kooxood oo larabay inay yimadaan waragaan waxaan soo baxay kooxahan waxayna  8 kooxood isku arken sidan
 
HIRDA 0 -2 Vlaardingen 0 2
Tilbrug 2-3 Rotterdam 2 3
Reeuwijk 3 –1 Eindhoven 3 1
Maasstricht 4-2 Njmegen
 
Kadiba  markii kooxahaan ay sidaan ukala bidiyeen ayaa waxa hadana soo baxay afar kooxood waxayna iyaguna kula baxeen sidan
 
Vlaardingen 1-1 Maastricht
Reeuwijk 2-2 Rotterdam
 

Kadib rigoorooyin loo dhigay kooxahaan markii ay kala badinwaayen ayaa waxaa aqirkii isku soo baxay labda kooxood oo kala ahh Rotterdam iyo Reeuwijk waxaan markii danbe ciyaarta finaalka ciyaaray labadaan kooxaan waxaan 3 gool ku badisay kooxda Rotterdam oo koobkii saasku qaaday
 
Hadaba markii ay ciyaartu dhamaatay waxaa la bilaabay in la bixiyo abaalmarnadii kala duwanaa waxaa kooxda ugu wanaagsan qaadatay kooxda Rotterdam waxaana koobkaas gudoonsiiya Kabtankii qaranka soomaaliyeed kabtan Ibraahim shaash  oo ciyaaraha uga yimid wadnka Germany.

Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa waxaa loo aqoonsaday warsame Daahir waxaana biladaas gudoonsiiyay ciyaaryahanka weyn ee Magan daahir oo isana lagu casuumay goobtaas
 
Mik wilmes ayaa qaatay bilada gool dhalinta waxuuna dhaliyay 5 gool waxaana bilaadaas gudoonsiiya yuusuf maxamed cabdi Yuusuf oo ah qoraa Sporti  kana mid ahaa dadkii qabanqaabiyay tartankaan
 
Markii ay ciyaartu soo gabangabowday ayaa waaxaa casho sharaf habinkii loogu sameyay dadkii lagu martiqaaday tartankaan Hoteelka Stonia oo kuyaala bartamaha Magaalada Amsterda waxaana halkaas ka hadalay Gudoomiyaha HIRDA Faadumo faarax oo ka qeybgalayaashii u mahada celisayy sheegtayna in koobkaan oo soo bilowday 2005 hadan ladoonayo in labalaariyo islamarkaana ay u furan tahay qof kasto oo Soomaali ah oo doonayo inuu ka soo qayb galo.

Sanadkaan waxaa marti sharaf ahaan ka soo qayb galay Ciyaartooydii hore, Suxuufiyiin iyo dad kale oo bulshada Soomaaliyeed ee Holand oo dhamaantood uga maqsuuday qaabkii loo soo agaasimay iyo sidii ay ku dhamaatey, waxaana koobkii  si xarago leh u qaaday kooxda Rotterdam oo noqotey Horyaalka Koobka HIRDA AFT 2009 oo aynu leenahay Guul wacan iyo hambalyo.

Koobka HIRDA AFT ayaa la qabtaa sanad walbo xiligan fasaxa ee lagu jiro Christmaska si dhalinyarada Soomaaliyeed isugu helaan waqti ay isku bartaan islamarkaana ay uga wada hadlaan Isboortiga , Waxbarashada iyo sidii ay dalkooda kaalintooda wax uga qaban lahaayeen, hadaba hadii aad doonaysid inaa barnaamijkaan si fiican uga bogato kale soco TVUNIVERSAL iyo Barnaamijka Cayaaraha oo laga soo dayn doono habeenimada Isniinta soo socoto hadii Allah idmo
Kabtan Shaah  Kooxda Horseed iyo xulka Qaranka dalka Soomaaliya
Magan Daahir Yusuf kooxda tafel teniska dalka Holand

Mohamed Baasawayne
Yuusuf Maxmed Yuusuf
Cabdulqaadir Biriq kooxda Horseed
Cabdi Naasir Soola

Abdulahi Ali kooxda Wagad Kubadda kolayga

Abdi Ali kooxda Betroolka

Mohamed kooxda Betroolka
Cabdi wali garyare
Bile Guraxan Axmed
Cabdulahi Taajirow
Axmad jaamac
Zakariye Ismacil Jimcalle
Cabdulahi Jamac

 Koobka HIRDA AFT 2009 Sport kaliya looma qabto laakinse waxaa dhinac socda barnaamijyo lagu wacyi galinaayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Holand iyo dalalka dariska la ah, dhalinyarada ka soo qayb gashay tartankaan oo aan kale sheekaystey aragtida ay ka qabaan koobkan ayaa ii sheegay inay aad ula dhacsan yihiin islamarkaana ay ka soo qayb galaan sanad walbo loona baahan yahay in halkiisa laga sii wado, mar aan kula kulmay Naani oo ahaa mid ka mid ah soo qabanqaabiyayaashii tartanka ayaa isheegay inay sanadkaan soo codsadeen inay ka soo qayb galaan tartanka Koobka HIRDA AFT 2009 42 Kooxood balse ay ka xusheen ilaa 16 kooxood  sidaa daraadeedna tani ay cadaynayso xiisaha u qabaan dhalinyaeada barnaamijada noocaan oo kale ah.

Tartankii koobka HIRDA AFT 2009 oo aan goob joog ka ahaa waxaan oran karaa waxa u ku soo afmareey guul iyo farxad
W/D Bile Gurxan Axmed


bilegurxan109@hotmail.com

Sports Hellen Amsterdam zuid

Holand


Bahda XaarXaar waxay si gaar ah ugu mahad celinayaa Yusuf Mahamed Yusuf sida hagar li'ida ah ee uu noogu soo gudbiyo qoraalada iyo warbixinada qaybaha kaka duwan oo qayb kayahay bilawgii Koobka iyo dhamaadkiisaba. Thank you ayaan ku leenahay Mahadna hakaa gaarto Brother..

Related Items


Leave a comment