Waa su'aale waxaan rabaa inaan idin waydiiyo arimahan soo socda.

Sunday January 31, 2010 - 04:01:58
0 Comments
5041
Super Admin
1-Awrtable ma yeelan karaa musharax matala beesha YD, oo nooga qayb kala shirarka soo socda oo soomaaliya wax ku qaybsan doonto sh shariif ka bacdi.

2-Musharaxaas u dhashay beesha YD oo tolkii hiil iyo hooba daba taagan yihiin kaasoo noqonaya mid matala beesha YD una qalma jagada loo doortay.

3-Dadka aduunka wuxuu ku shaqeeyaa wax la yiraahdo vision, ha ahaado mid dhaw ama mid fogba ee ma yeelan karnaa.

4-Marka anaga aragtideenu ma noqon kartaa reer ay ka go'an tahay in somalia hogaankeeda qabsadaan maadaama aad moodid dadka inaan ka daacadsanahay marka loo eego raadinta midnimada soomaaliyeed.

5-Waxaana taa markhaati ka ah wasiir maxamed cabdi yuusuf, iyo yuusuf xaraare iyo cabdirahmaan sh nuur, waxay ahaayeen rag matali jiray beesha YD oo sumcad wanaagsan u soo hoyiyey beesha YD.

arimaha aan ka hadlo had iyo jeer waxaa igu kalifay sheekadaan aan soo wado ee saa ula socda.

magaalada aan ku noolahay waxaa jira nin ugaas u ah beesha cawlyahan ee ogaadeen oo aan sheekaysanay maalin, wuxuu igu yiri dawladii cabdulaahi yuusuf laba nin baa na kala hogaaminayey hadaa nahay daarood, meeli waa mucaardka ayay ahaayeen waxaa waday maxamed cabdi yuusuf, meesha kalana waxaa hogaa miya ka ahaa yuusuf xaraare allaha u naxariistee, markaasaa nin habargidir ah ii yimid oo igu yiri barre ugaasoo inaad jabteen waxaa lagu garanayaa awrtable idin hogaaminaya.

wuxuu igu yiri waan u jawaabey waxaana ku iri hadaad aragto awrtable na hogaaminaya anga daarood ma jabno waa hadaad taqaano taariikhda daaroodka markaasaan oga sheekeeyey buu yiri ilaa reerku markuu shanta iyo odaga ahaa.

wuuna i rumaystay buu yiri waa sida hadalka uu yiriye. wuxuu kaloo iigu daray hogaamiyayaasha beesha YD meeya waana waqtigii ay nawadi lahaayeen waa la joogaa.

aad bay ii farxad galisay arintaas taasoo igu kaliftay inaan shaqo idinka dhigto har iyo habeen inaan idin baraarujiyo, soomaali iyo daaroodka gudihiisana sumcad baan noo taal ee ogaada awrtabloo.

waxaa kaloo igu maqaala in cad aan no qalmin ka helanay puntland o aad dad badan oo reerka ka caraysiisay.

waxayna u caroonin baa idiin sheegayaa, maxaa kalifay arintaan? jawaab waa muwaafaqo daro dhexdeena ah baa kaliftay ee saa ula socda walaalayaal.

hada iyo dan waa inaan isku dayno xal uraadinta wadanka iyo tan reerkaba wanaagana waa inuu anaga naga yimaadaa si aan tusaale ugu noqono umada soomaaliyeed oo ay noog daydaan.

raali ka ahaada haday idin dhibto guubaabadayda wanaag unbaa reerka la jeclahay saa idinkuba u jeceshihiin.


qore: maxamed daahir sh nuur
odokore@yahoo.com

Related Items


Leave a comment