Abwaanka ayaa hore u curiyay heeso cusub uu ku cabiraayo dareenkiisa Soomaalinimo islamarkaana bulshada Soomaaliyeed kula qaybsanaayo marxaaladaha kale duwan ee jira, heesahaasna waxaa ka mid ahaa Yaan La Dooran, Hala Doorto, Qaylo Dhaan Waawareey. Heestaan Cusubna waa ‘’SII DAAYA LAMAANAHA’’,waxaan qadka Telefoonka kula hadlay Abwaanka oo markaas ku sugnaa aqalkiisa si aan wax uga ogaado heesta cusub iyo sababta ku dhalisay inuu soo saaro.
Maxaa kugu dhaliyay sameynta heesta Sii daaya Lamaanaha?
Abwaan Cabdi Shire Jama (ciyaar jecel):Yusuf, ma hayo hal jawaaba oo kaliya balse heeska laftiisa ayaad ka dhex heli karta sababta aan u curiyay, intaas markaan ka gudbo, shaqooyinka meheradaha ii ah waxaa ka mid ah turjubaanimo oo aan ku jiray ilaa 1991.
Maxkamad dalkaan Ingiriiska ku taal oo aanan tagin ma jirto. xataa tan house of lords oo hadda loo bedelay maxkamada sare/supreme court, 1998 ayaan waxaan saddex casho kaga qeyb qaatay kayskii sameynta weyn ku yeeshay sharciyada qaxootiga oo la yirahdo Aden iyo Nooh.
Marka shaqadaas turjubaanimada ah waxaan ka kasbaday waayo aragnimo dheer oo aan u yeeshay bulshada Soomaaliyeed, dhibka iyaga loo geysto iyo midka ay iyada ka gasho dadka iyo dalkaan aan magangalyada weydiisanay. Waxaan hayaa xoggo aad u foolxun oo ay geysteen dad soomali ah oo ay dhici karto in caqliga saliimka ahi uu diido uuna yiraado qof Sommali ahi kama suurtowdo in uu galo dambe ceynkaas ah. Balse ogow dambiyada ugu xun- xun uguna foosha xun waxaa sameeya Soomaalida. Waxa halkaan ka dhacaya marka aad ku kabtid kuwa Soomaaliya ka dhaca, hadde sow Cabdi Shire oon gabyi jirin gar uma laha in uu muunso-muunsoodo ee uu gabyo.
Heestii Qaylo dhaan maxaa iyadana kugu dhaliyay?
Abwaan Cabdi Shire : Heesteydii qeylodhaan sababihii igu dhaliyay waxay ahayd anigoo TV Universal ka daawanaya gurigayga ayaa waxaan ka arkay gabar Soomaaliyeed oo ka ooyaysa ardaydii iyo barayaashii Jaamacada Banaadir ee lagu xasuuqay Qaraxii Hotel Shamow, intaan qolka galay ayaan damcay inaan anigana ku ooyo oo baroorto laakinse baroortii iyo uur kutaaladii Qaraxii Hotel Shamow waxaa ka dhashay heestaan Qaylo dhaan Waawareey.
Ma noo fasiri kartaa heesta Lamaanaha aad u qaaday kuna codsatey in la sii daayo? Yaase kugu dhiirigaliyay inaad soo curiso heesta Lamaanaha?
Abwaan Abdi Shire Jama :Heestaan lamaanaha iyada ayaa fasiraad isugu filan oo waxa igu dhaliyay waa waxaa ay ka hadleyso. balse dhowr nin baa igu dhiiri galiyay. Wxayna kale yihiin Cabdislaan Hareeri , Cabduladir Xaaji Masale iyo Fanaanka Soomaaliyeed ee Keynaan. Labada nin ee hore taleefoon ayaan si gooni gooni ah isug soo qaadnay baahida loo qabo in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaan Ingiriiska ay dowr lixaad leh ka qaataan sidii loo sii deyn lahaa lamaanaha.
Keynaan, isaga xiriir meynaan yeelan balse waxaan dhageystay mar laga wareysanayay burcad badeeda. Runtii wareysigaasi wax weyn buu ku kordhiyay maskaxdeyda gaar ahaan difaaca uu difaacyay in ay Soomaalidu xaq u leedahay in ay badeeda ka difaacato burcad badeeda waaweyn ee shisheeyaha. Markaas baan sameeyay qeybtaan ka midka ah heestaan Sii daaya Lamaanaha oo oraneysa:
DOOMAHA SHISHEEYEE, DOOXATADA KU YIMIDEE, DALDALAAYA KHEYRAADKA, DADALAAYA XOOLAHA, SUNTA AY KU DAADSHAAN, BADEENA KU DAADSHAAN, WAA IN LALA DAGAALAA, KULIGEEN LA DIRIRNAA, DIFAAC QARANA WEEYAAN.
Maxa heestan Fanaanka Soomaaliyeed Keynaan ugu dhiibi waysay inuu qaado? Madaama uu arimaha Burcad Badeedka marar kale duwan kaga hadlay aragtidiisa wareysiyo lagala yeeshay
Abwaanka ayaa si geesinimo u leh u yiri ‘’ Haddi aan Keynaan aqoon lahaa isaga ayaan heesta u dhiibi lahaa maadaama uu gacan iga siiyay sameynteeda.
Heesta SII DAAYA LAMAANAHA yaa hada kuwada luuqaynayaa ? Heestaan waxaa gacan ka geystay dad Soomaliyeed oo aad u tiro badan. Sida Muusikada waxaa saaray Cabdixakim ciise Geedi, Laxanka waa Jooqle Shire. Fanaaniina ku luuqeynaya waa:
1. Fu'aad Cumar Cabdi, 2.Maxamuud cumar Cabdi, 3.Jooqle Shire Jaamac, 4. Xuseen Shire Jaamac, 5. Shamso Maxamed Food, 6. Jihaan siyaad(jihaan Jalaqsan) iyo 7.Khalid Diini Shire.waxaa kale ee gacan a geystay Maamulka universal tv, gaar ahaan inj. Axmed iyo Abuukar Mahdi.
Heesta ‘’ SII DAAYA LAMAANAHA’’
DAGAALKII SOKEEYAHA,
DIBINDAABYADIISIYO
WALI DIIFTII MAY HARIN
DADKII WEY QAXEENOO
QAARBAA DAGAAGII
DIYAARADA RAACOO
CARRO GAALO SII DAGAY
DIIR NOOMA EEGINE
AADANIMO DARAADEED
BEY NOO DARYEELEEN
DIB U BILOWNAY NOLOSHII
DIINTEENA MUDAN IYO
DUGSIYADA QURAANKANA
CIDU NOOMA DIIDOO
WAA LOO DAREERAA
DAMEERKAAN AXSAAN FALIN
KALA GARAN DARIIQYADA
DAW WUXUU U LEEYAHAY
UMUSHAA DORAAD IYO
SHALAY DAMAQII SOO MARAY
DEG DEG UGU ILOWDEE
SIDEEBAAN DADKAAS WACAN
DAARAHOOD U DUMINAA
DARISKOOD U DIIDNAA
DOOFAAR UGU NIRAAHNAA
OGOW DULUCDA HEESTAAN
WAXAAN UGA DAN LEEYAHAY
DOOMAHA SHISHEEYEE
DOOXATADA KU YIMIDEE
KALLUUN KEEN DANGIIGIYO
DALDALAAYA XOOLAHA
SUNTA AY KU DAADSHAAN
BADEENA AY KU DAADSHAAN
WAA IN LALA DAGAALAA
KULIGEEN LA DIRINAA
DIFAAC QARANA WEEYAAN
WAXA NAGA DARDAARANA
DAMBI RUUXAAN KAA GALIN
OO DALXIIS KU JIRA OO
DAWAAFAAYA BADAHAAS
DAMAC INAANU KAA GELIN
RABAA DEEQA BIXIYOO
IDIIN DOOJINAAYEE
AAN IDIIN DUCEYNEE
SII DAAYA LAMAANAHA
RACHAEL IYO DUQEEDABA
PAUL IYO DUQDIISABA
ABAAL DURUGSAN BAA JIRA
DADKOODA AAN U HEYNEE
SII DAAYA LAMAANAHA
AAN IDIIN DUCEYNEE
Dhamaad
NB:
Waxaan umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogtaba gudaha iyo dibadaba laga codsanayaa inay gacan ka gaystaan sidii lamaanahan looga sii dayn lahaa dadka gacanta ku haysto madaama ay yihiin dad masaakiin ah oo socoto ah oo waxba galabsan.Hadii aan ku doodi jirnay inay wiilasha Soomaaliyeed yihiin kuwo daafacaya baddaha Soomaaliyeed ee lagu hayo dhaca xaalufinta kaluunka iyo Khayraadka islamarkaana lagu shubo Qashinka sunta, waxay ahayd mid sax ah laakinse dad socoto ah oo aan dambi kaa galin in la qafaasho waxay hoos u dhigaysaa ku doodistii ay dadka Soomaaliyeed ku doodayeen inaysan ahayn burcad baddeed wiilasha daafacaya badda Soomaaliya, marka waa waajib inaan kuligeen u gurmano sidii lagu sii dayn lahaa dadkaas dhiban islamarkaana loogu qancin lahaa hada kadib inay kale saaraan dadka caadiga ah iyo kooxaha dooxatada ah ee badda Soomaaliya dhibaatada ku haya.
W/D: YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF
London, UK
Leave a comment