Nabadaynta ummada Soomaaliyeed gogasheeda Beesha YD ma fidin karaan

Monday May 24, 2010 - 20:54:16
0 Comments
4280
Super Admin
YD waxay caan ku ahaayeen nabadaynta iyo u shaqaynta ummada soomaaliyeed taasoo markhaati ka ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha YD u dhalatay oo had iyo jeer ku mashquulsan xal u raadinta ummada Somaaliyeed. B-Waxaa jira wax la yiraahdo "XEER" xeerkaas oo noqonaya mid guud iyo mid hoose, marka kan guud waa mid aan la wadaagno reerka Daaroodka la yiraahdo ama ummada soomaaliyeed.

C-Marka xeer hoosaadkii beesha YD lahayd oo ahaa kaan ka dhaxalnay odayaasheenii wanaagsanaa oo aan ku abtirsano, kaasoo ahaa mid aad u qurux badan, oo nagala dalban jiray markay ummada soomaaliyeed ama daaroodka noo baahdo. Waxaa tusaale noo ah sharciga ay puntland ku dhaqanto maanta waxaa qoray ama lug ku leh DR abdiaziz nuur xirsi oo u dhashay beesha YD kaasoo ilaa hada shaqaynaya.

Markay cabdulaaahi yuusuf jama ali jama is qabteen waxaa denmarka looga yeeray DR abdirahmaan SH Nuur si uu u dhexdhexaadiyo kalana saaro labadaa nin.waad saad ula socotaane xeerkii wanaagsanaa ee beesha YD ayuu ku kala saaray isagoo raacaya wadadii wanaagsanayd oo reerku lahaa laguna yiqiin.

Haatan iyo dan xeerku waa wax wanaagsan dad badan oo aan anigu ku jiro ayaa jeclaan lahaa in xeerkaas loo sharaxo lagana dhaadhiciyo beel waynta awrtable inuu yahay wax dhaxal gal ah oo anaga samanka iyo kuwa danbaba loo baahan yahay inay ogaadaan si aan ay beesha YD u sii balaariso ama ay wax ugu daraan waa hadii loo baahdo ama ay naga go'an tahay. Xeer la'aan waa mugdi waana waxa hada soomaaliya haysta ee taa ogaada.

 


Qore:Maxamed Daahir Sh Nuur~ odokore@yahoo.com

Related Items


Leave a comment