Xildhibaan Da’ud Abdikarim oo Maraykanka booqasho ku Maraya

Wednesday August 25, 2010 - 08:26:34
0 Comments
2436
Super Admin
Daa'uud Abdikariim Sheikh Omer oo ah xildhibaan katirsan DFKM ayaa booqosho kusoo gaaray dalka North America waa markii oogu horaysay oo masulku safar kuyimid dalka Maraykan xildhibanka ayaa kasoo dagay magaalada Boston MA waxa uuna mari donaa gobolo badan oo dalka maraykanka kamid ah.

Xildhibaanka oo isagu in mudo ahba safaro kumaraayey  dalka gudihiisa qaas ahaan deeganada Puntland. xildhibaan Daa'uud oo shir kuqabtay talefanka conferencega ayaa khudbadisa kusheegay inay ujeedadiisu tahay inuu warbixin ka siiyo qurbojoogta YD ee waqooyiga America xaalada deegaanadaas uu soo booqday iyo in uu qurba joogta kala hadlo sidii loo hormarin lahaa deegaanadaas iyo waliba sidii loo xoojinlahaa ama loo abuuri lahaa xiriir xoogan oo ka dhaxeeya qurba joogta iyo beelaha  ku dhaqan deegaandaas.

 

Magaalooyinka Boston, MA, Sandeigo, CA, Minneapolis MN  Omaha NE  iyo magaalooyin kale ayuu tagi doonaa xildhibaanku iyadoo diyaargrow ay ku jiraan dhamaan meelaha uu tagi doono sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen xildhibaanka. Magaalayinka Boston, Minneapolis iyo San Deigo ayaa laga samaynayaa gudiyo  u xil saarnaan doona soo dhaweynta xildhibaanka.

 

Sabtida Aug 28, 2010 ayaa Xildhibaan Daud Abdikariin Sh. Cumar shirkiiisa ugu hooraya ku qaban doonaa Magalaada Boston isagoo halkaas lafilayo inuu kulan heer sare ah layeesho Jaaliyada Beesha YD ee Magalada Boston.

 

Dhamaan socdaalada Xildhibaan Da'ud iyo shirarka kala soco Warsidaha Xaarxaar Online...

Related Items


Leave a comment