Guurka iyo Faa'iidada uu uleeyahay ummada Islaamka

Monday May 04, 2009 - 16:55:44
99594
Super Admin
Walaalayaal waa dhambalkii aan kutalagalay inaan udiro qof walbo oo doonayo inuu kafaaiidaysto,waxaan wax wax yar ka taaban doo naa guurka. Waxaan ognahay in usradu ama qoysku uu yahay udub dhexaadka mujtamaca walbo iyo unuga ay noloshu kabilabato. Waana muhim oo nolasha bini aadamka ayuu muhim uyahay, si uu nooluhu ujiro,tan kale diinteena islaamka way ku boorisay dadka islaamka ah si uu nooluhu uciribgoin.


Guurku waa suno bal mar ayuu waajib noqdaa, marka uu qofku fitno isaga baqo,runtii waqti fitan ahna waa lagu jiraa, laakiin waa hadyigii nabigeena s.c.w. qofkii guurkana nacaa wuxuu khilaafay hadyigii nabiga iyo dariiqiisii.


Hadaba rasuulka waxa uu lyiri, "Kulanka shabaabkoow qofkii awooda guur haguursado isaga ayaa u raaricin badan indhaha una ilaalin badan farjiga.wuxuu kaloo yiri, "ninkii ilaahay uu ku irsaaqo gabadh saalixad ah wuxuu ukaamil yeelay diintiisa badh ee badhka haray ilaah ha'uga baqo.


Wuxuu kaloo yiri: "ilaahy waxa uu xadiith qudsi ah kuyiri sadex waxaa xaq igu ah inan ukaalmeeyo waxaa kamid ahaa nin guur rabo oo hadana dhawrsaanaan un ugauursanayo, sidaa darteed gabadha muslimada aheey  ilaah magac wanaagsan ayuu kuu bixiyay aduunka oo dhan waxa ugu raaxada badan adiga ayuu kugu tilmaamay, Nabiga waxa uu yiri "aduunka waa raaxo raaxadiisana waa gabadh saalixad ah" hadaba ilaah kacabso oo isku day inaad noqoto  tilmaantaas qiimaha badan.

Hadaba waxa aan uga gadisanahay islaam hadaan nahay diimaha kale waxa ay u arkaan guurka inuu yahay ilmo ladhalo kaliya iyo raaxaysi,  lakiin Isalaam-keeana waxa uu tilmaamaya inuu inoo yahay mawado iyo maxabo iyo sakiino iyo raaxo lagu daray,  hadii siduu ilaah raali kayahay la'isu guursado wallaahi, wabilaahi, watallaahi guurkaan lagu salayn dhaqankii nabiga waa khasaaraa barakadana waxa ay ku jirtaa Sunada Rasuulka oo laraaco.

Guurku waa cibaado waayo Nabiga ayaad adeecday amarkiisa. Waxaa ku bato taranka muslimiinta waayo Nabiga waxa uu yiri "guurka badiya umadaha ayaan idinkula faantami maalinka qiyaamo." hadaba wiilkasto iyo gabadh kasto ku daaala sidii aad Nabiga uga farxin lahayd yacni maalinka qiyaamo si uu uga bato ambiyada kale inta raacsan.

Guurku waa nimco ee nimcada ninkii awood ule haka faaiidaysto, kii aan awoodina ha soomo asaga ayaa dhufan unoqonayo oo shahwada ka qafiifinayo indhihiinana xaaraamta kalaaba waayo wax walbo isha ayaa sabab unoqoto, oo isha waxa ay argto ayey qalbiga ugudbisaa.

Allah halaga baqo sunada Rasuulkana halgu dhago waayo waa firqada kali oo badbaadi doonto sida uu rasuulka inoo sheegay muslimiintana haloo duceeyo inuu ciseeyo Wajaazaakumulaau khayran w/s/c/w

Umu Ayman

umuayman12@hotmail.com

Related Items