CABDISALAAM IBRAHIM CADDAAY (MAN CITY) ''CIYAARYAHAN KU DAYASHO MUDAN''

Friday September 24, 2010 - 18:56:58
0 Comments
3337
Super Admin
Waxaan kula kulmay todobaadkii tagey magaalada Manchester islamarkaana marti sharaf ugu noqday gurigiisa ciyaaryahan Cabdisalaam Ibrahim ''Caddaay'' oo u dheela kooxda Manchester City.

Run ahaantii booqashadani waxay ahayd markii ugu horeysay ee aan wada kulano laacibka Soomaaliyeed ee ka mid ah ciyaartooyda Man City oo ah kooxda ugu dhaqaalaha badan caalamka sanadkaan 2010, waxayna i ahayd sharaf weyn la kulankiisa madaama mudo laga joogo 4 sanadood iyo wax ka badan aan warbixino kaga hadlayey ciyaarihiisa aan si joogta ah ula socodsiin jirey bulshaweynta isboortiga Soomaaliyeed.

Cabdisalaam waa wiil aad u degan, dabeecad fiican islamarkaana ixtiraam badan, waana ehlu salaad shantiisa waqti ilaaliya, waxa uu iga sheekeeyay in Soomaalida dhalinyaradooda iyo caruurtooduba ay ku wanaagsan yihiin ciyaaraha oo dhan gaar ahaan kubadda cagta iyo oradada, laakinse aysan haysan dad ku dhiirigaliyo oo badan oo siiya waqti, kuwasoo uu yiri sida waalidiintooda iyo dad kaleba ay ku dadalaan sidii da'yarta Soomaaliyeed ee ku wanaagsan cayaaraha u garab istaagi lahaayeen waqtiga adag ay u baahan yihiin in la gacan qabto, si ay u garaan meelo wanaagsan.

Waxaan aad ugu fiicnaan lahaa oradada hadii aan xoogi saari lahaa laakinse hada kubadda cagta ayaan ku dadalayaa inaan meel fiican ka sii gaaro hadii Eebe idmo ayuu yiri Ibrahim, waxaan ka mid ahey 25 rasmiga ah ee kooxda Man City sanadkaan iyo sanadka kale uga diiwan gashan koobabka kale duwan, xulka Qaranka Norway rajo fican ayaan ka leeyahay la iiga yeero sanadkaan ama sanadka soo socdo insha Allah.

Cabdisalaam balwadiisa waa isboortiga oo hadane ay shaqadiisa noqotey, waxa uu hada ka mid yahay kooxda U21 xulka dalka Norway marka laga soo tago kooxda Man City.

Intii aan wada joognay waxaa u booqasho ugu tagey labo kooxood oo Soomaali ah oo ciyaar saaxiibtinimo ku dhaxmareysay magaalada Manchester si u dhirigaliyo dhalinyaradaasi ka timid London islamarkaana wuxuu i sheegay inuu ka soo dheelay ciyaaraha Soomaalida Sweden iyo tartamada Soomaalida degan dalka Norway ku qaban jireen.

Dhanka fanka heesaha Soomaalida aad ayuu u xiiseeyaa oo dhageystaana marka u firaaqada yahay, waxana uu iisheegay inuu aad taageero ugu yahay dhamaantood laakinse si gaar ah uu u xiiseeyo Abwaan alfanaan Xuseen Shire Jaamac''Ciyaar jecel'', sababtana waxaa weeye waxa u jecel heesaha wadaniga ah ay u qaadaan dalkooda Soomaaliya.

Cabdisalaam waa wadani jecel dalkiisa iyo dadkiisa waayo computerkiisa qaaska ah oo aan isticmaalayay habeen iyo maalin dhan waxaa mar walbo iga soo baxayay astaamo muqaal Soomaali ah sida calanka iyo qariirada oo hal ku dhigyo qurux badan lagu sameeyay.

Cabdisalaam waxa u ka soo jeedaa qoys wada isboorti ah sida aabihii waxa uu dalka Soomaaliya ka soo ahaan jirey Garsoore heer calami ah C/qaadir Ibrahim Caddaay, walaalihiis oo dhan waxa ay xariifiin ku yihiin ciyaarta kubadda cagta tusaale walaalkiis Cabdikariim Caddaay waxa uu ka mid yahay koox mustaqbalka Manchester City.

Cabdisalaam waxa uu iga codsadey inaan marwalbo raadiyo caruurta Soomaaliyeed ee u dheela kooxaha kale duwan ee mustaqbalka leh islamarkaana aan ka qoro warar isboorti oo aan ku dhirigalinaayo si ay ugu noqoto taageero iyo garab istaag, waxana u isheegay inay aad ugu baahan yihiin dhirigalintaas oo kale, tusaale ahaan waxaa jira sida uu isheegay wiil Soomaaliyeed oo degan magaalada Manchester oo ka mid xulka U15 England una dheela kooxda Wigan lana yiraahdo Xasan Cabdalla Salim, ka soo dhawaan warbixin ka soo qori doono insha Allah.

Hadaba qormadayda waxaan ku soo gabagabaynayaa Cabdisalaam Ibrahim waa tusaale wanaagan oo ay ku dayan karaan dhalinyarada kale ee Soomaaliyeed ee jecel kubadda cagta .

Ugu dambeyntii Cabdisalaam Ibrahim & Garsoore Caddaay waxay nagu martiqaadeen aniga iyo saaxiibada isboortiga Cabdinaasir Sola, C/qaadir Biriq iyo Baana Ali inaan kale soo qayb galno daawashada ciyaarta Sabtida ku dhaxmari doonto magaalada Manchester kooxaha kale ah Man City iyo Chelsea hadii Allah idmo.

Cabdisalaam Ibrahim ayaa la filayaa inuu mar kale ka soo dhaxmuuqdo horyaalka iyo koobabka kale ee socda, waxaana u rajaynayaa guul wacan iyo mustaqbal wanaagsan insha Allah

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

Manchester

UK

Related Items


Leave a comment