GUULDARADA IYO MUSIIBOOYINKA ILAAHAY KURIDAY SALIIBIYIINTA IYO ISBAHAYSIGOODA

Friday September 24, 2010 - 19:08:36
0 Comments
3661
Super Admin
Ilaahay subxaanahu watacaalaa ayaa amaan iyo mahadnaq aan xadlahayn u sugnaatay,waxaana ku mahadinayaa islaamnimada iyo sunnada Nabigeena Suuban Muxammad S.C.W. inuu ilaahay nagu galaystay,ALXAMDULILLAAH.Nabadgalyo iyo naxariisna ilaahay ha duldhigo Suubanaha,eheladiisa,asxaabtiisa iyo intii xaqa kuraacday inta Qiyaamuhu ka dhacayo,aamiin.

Sida ay taariikhdu xusayso,Bamkii Atoomikada ee Dawlada Maraykanku Ku QARXISAY 6 iyo 9 Bishii Agoosto 1945 HIROSHIMA IYO NAGASAKI,amarkaasna Waxaa bixiyay Madaxweynihii Maraykanka Waagaas Talada u hayay:HARRY S.TRUMAN.

Dhacdadaan waxay ahayd Qarax-bam ama Xasuuq Qaranimo ee lagu dabargooyo magaalooyin iyo shacab masaakiin ah tii ogu horeysay ee soo marta Taariikhda,Aduunka ee qoran tii ogu naxdinta iyo Gumaadka badnayd,Dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadaas waa,wax aan lasoo koobi karin,Ummadaha aduunka oo dhana waxay ka yihiin markhaati cad oo gaalo iyo muslimiin cid arrintaas isku khilaafsan majirto,in Maraykanku ku kacay dulmi,xadgudub,Qooq iyo Kutumashada Qawaaniinta caalamka oo dhan isagoo aysan jirin wax xad ama sharci ah ee qabta Dawlada Maraykanka iyo Cida marwalba hogaanisa ilaa iyo maantayna uu dulmigaas u socdo si bareer cad ah oo cidii is hor istaagta amarka Maraykanka lagu muquuninayo Xoog iyo hanjabaad aan cidna geed loogu gaban!.

Maalmahaan Waxaa dalka Jabaan(JAPAN)ka socda munaasabad lagu xusayo Dhibaatooyinkii iyo Gummaadkii uu Marayknku u gaystay Shacabka reer Jabaan u ku noolaa HIROSHIMA IYO NAGASAKI 1945.Dawladaha caalamku way ka soo qaybgaleen munaasabadaas,waxayna soo dirsadeen madax iyo wakiilo magacooda iyo Qaranimaadooda u matalaya,laakiin DAWLADA MARAYKANKA oo ah Mujrimiintii XASUUQA IYO GUMAADKA BAMKA KU QARXIYAY HIROSHIMA IYO NAGASAKI CIDNA KAMA IMAAN,sababtoo ah MARAYKANKU WAA dawlad aan sharci qabtaa jirin cid la xisaabtanta oo uu kabaqana ilaa hada kuma soo biirin saaxada Caalamka.Laakiin mar aan fogayn ilaahay idanki Maraykanka iyo inta Xasuuqa iyo Gumaadka caalamka wada way helayaan jawaabtooda,ilaahayna marna ma mooga dulmiga iyo xadgudubka Daalimiinta iyo GAALADA QAAQDAY oo ismooday inay Cirka iyo Dhulka iyagu maamulaan!.


Sidaan ogsoonahay Maraykanka iyo Xulufadiisa iskau bahaystay Gumaadka iyo Xasuuqa muslimiinta iyo Ummadaha ka soo horjeeda Nidaamka Saliibiyiinta/Sahyuunihiinta iyo Gaalada kale xulufada la ah,wuxuu si xoogle u bilowday mar hore,laakiin Qarnigaan hadda lajoogo waxaa bilaabay oo Aabe u ah Madaxweynihii hore ee Maraykanka Georg W Bush hadana waxaa si xawli ah u wada Madaxweyne Barack Xuseen Obama oo ah nin Ku caanbaxay inuu labajibaaro gumaadkii uu Bush bilaabay iyo barkicinta iyo Gumaadka joogtada ah ee ka socda dhulalka islaamka sida Ciraaq,Afghaanistaan,Geeska-afrika,Suudaan,Qooqaas(RUUSHKA iyo Shiinaha muslimiinta dhexdegta)iyo FALASTIIN oo marwalba heshiis iyo riwaayad been ah oo dadka lagu maa weeliyo.



Maraykanka iyo Xulufadiisa way ku guuldaraysteen qorshahoodii ay u bixiyeen "LA DAGAALANKA ARGA-GIXISADA",taasna waxaa Markhaati ka ah ummadaha caalamka oo dhan gaalo iyo muslimiinba,Wadamadii ay Weerarka iyo Gumaadka axmaqnimada ah Ku qaadeen Maraykanka iyo Xulufadiisuna badankood waxay gacanta ogu jiraan dadkii ay ogu talagaleen inaysan xukun iyo maamul dambe hawaysan.Ciidamada Maraykankana waxaa ka horyimid Halgan/Muqaawamo aysan marna ku talagalin iyo Niyadjab ku abuurtay mooralkii dagaalka oo dhintay iyo beentii iyo Balanqaadkii lagu soo dagaalgaliyay oo noqday mid aan waxba kajirin,Taasna waa ilaahay mahadi.Ciidamada Maraykanka ee ka dagaalama Ciraaq iyo Afghaanistaan waxaa ku dhacay Cuduro aan lagaranayn wax lagu daweeyo iyo iyagoo isdaldala(SUCIDE) markay Maraykanka ku soo laabtaan in badan oo Ciidamada kamid ah .2009 WAXAA ISDALDALAY 100 askari,bilowgii 2010 ilaa iyo hadana 32 askari,tiradaasna markii lagu daro intii isdaldashay 2003 ilaa 2010 waa markii koowaad ee dadka isdilaa ee shacabka Maraykanka ay askartu kabadato tiro ahaan,waana arrin aad iyo aad murugo iyo walwal ogu haysa takhaatiirta iyo dadka latacaala talobixinta iyo ka hortaga isdilka(SUCIDE)!.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Halaag iyo musiibo aan laga bogsan uu ku rido Ciidamada SALIIBIYIINTA IYO ISBAHAYSIGOODA uu Maraykanku Hogaamiyo weelwalba ee aduunka gumaad iyo xadgudub ka wadaan.Madaxweynaha Maraykanka iyo Madaxda Saliibiyiinta iyo Sahyuuniyiinta iskubahaystay inay Gumaad iyo Xasuuq u gasytaan Muslimiinta iyo Ummadaha khilaafstan HANAANKA SALIIBIYIINTA IYO SAHYUUNIYADANA ilaahay CAZA WAJALLA CIMRIGOODA HA DHEEREERYO,CUDURO IYO MUSIIBOOYIN AAN LAGA BOGSANA ILAAHAY HAKU AAFEEYO,UMMADAHA ADUUNKUNA MARKHAATI HA NOQDAAN,AAMIIN,AAMIIN,AAMIIN,

Muslimiinta Dayaca iyo Rafaadka haysta ilaahay haka dulqaado,Maamul/Hogaan kheyrqaba oo diinta islaamka ku maamula,dulmiga iyo xadgudubka gaaladana ka difaaca ilaahay si dhakhso ah hanasiiyo oo aan ku nasano inta aan adduunka ku noolnahay.AAMIIN,AAMIIN,AAMIIN.

XASBUNALAAHU WANICMAL WAKIIL
WABILAAHI TOWFIIQ
C/RAXMAAN IDIRIS
Stockholm

Related Items


Leave a comment