Shirkii kooxda xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

Tuesday September 28, 2010 - 16:00:55
0 Comments
2439
Super Admin

Shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya uga soconayay magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain ayaa la soo gabagabeeyay ayadoo ay ka soo baxeen qodobbo dhowr ah oo lagu taageerayo Soomaaliya.

shirka 18aad ee ICG ayaa lagu go’aamiyay in dowladda KMG ay muddo 60 maalmood gudahood ah ay ku soo bandhigto qorshaheeda ammaanka iyo tallaaboonka loo raacayo si loo soo afjaro ammaan darrada ka taagan waddanka.

Sidoo kale shirka ayaa talo ahaan ugu soo jeediyay dowladda in mudda u hartay TFg looga gudbo xilliga KMG ah loona diyaariyo dalka Dastuur iyo marxalad abuuri karta Dowladd Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Dowladaha iyo ururada ka qeyb galay shirkaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay taagero la siiyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya jooga si ay u sii wataan howlahooda oo la sheegay in ay dowr muhiim ah ka qaadanayaan xaaladda uu marayo dalku.

In la gargaaro dadka barakacayaasha ah ayaa qeyb ka ah qodobada ka soo baxay shirka kooxda xiriirka caalamiga ah, waxaana lagu sheegay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo dadkaasi oo wajahaya xaalad adag.

Shirka ayaa dhaleeceeyay weeraradii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Kampala ayadoo falal argagixiso ku tilmaamay tallaabadii lagu weeraray shacabkii iyo masuuliyiintii deganeyd Hotel Muna, qaraxii Airpor-ka Muqdisho iyo weerarkii lagu qaaday magaalada Kampala oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof.

Related Items


Leave a comment