Xildhibaanada Haweenka ah ee barlamaanka oo maanta ku shiray Muqdisho

Thursday September 30, 2010 - 21:15:20
0 Comments
1610
Super Admin

Xildhibaanada haweenka ah eek u jira golaha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan gar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho kaas oo looga hadlayay sidii haweenka ay uga qeyb qaadan lahaayeen siyaasadda Soomaaliya iyo Hogaanka dalka.

Kulaankaan oo ka dhacay Xarunta Madfaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxa looga dooday sidii loo raadin lahaa Xuquuqda ay haweenka Soomaaliyeed u leeyihiin inay uga qeyb qaataan Siyaasadad dalka ayagoo qabanaya xilalka kala duwan ee dalka.

Caasho Axmed Cabdalla oo kamid aheyd xildhibanada shiray oo Radio Muqdisho ayaa sheegtay in kulanka maanta diiradda lagu saaray sidii hawenku ay u heli lahaayeeyn xaquuqdooda si ay ugu qeyb qaataan hogaaminta dalka.

Xuldhibaanaddu waxa ay ku nuuxnuuxsatay in haweenku 12% ay ku leeyihiin golaha baarlamaanka sidoo kalane ay doonayaan in ay ka mid noqdaan xukuumada iyo heyadaha Dastuuriga ah ee dalka.

Caasho Axmed cabdalla ayaa sheegtay in ay haweeynka Soomaaliyeed diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada hannaanka nabadda ee dalka iyagoona is badal muuqda ku soo kordhin doona dadaalka loogu jiro xallinta mashaakilka Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment