Madaxweyne Shariif oo gaaray Jabuuti iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo garoonka ku soo dhaweeyay

Thursday September 30, 2010 - 21:17:25
0 Comments
2605
Super Admin
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka jabuuti.

Madaxweyne Shariif ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti waxaa ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kulan ku yeesheen garoonka, wuxuuna kaddib u gudbay Hoteelka uu ka degay magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa in uu kulamo kale la qaato madax ka socoto dalka jabuuti iyo masuuliyiin kale sida ay xaqiijinayaan saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Waxaa wafdiga Madaxweynaha ka mid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Dheeg iyo masuuliyiin kale.

Related Items


Leave a comment