Prof. Dalxa "Shirka barlamaanada carabta go'aano Muhiim ah ayaa ka soo baxay"

Thursday September 30, 2010 - 21:19:05
0 Comments
3017
Super Admin
Qaar kamid ah Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya ee ka qeybgalay Shirkii baarlamaanka Dowladaha Carbeed ee lagu soo gebogeeyay Magaalada Dimishiq ee dalka Syria ayaa faahfaahin ka bixiyay Waxyaabihii looga hadlay Kulankaasi oo ay Soomaaliya qeyb ka aheyd.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa wasiirka arrimaha Bulshada iyo Dhaqan celinta kana tirsan Mudaneyaasha Golaha Baarlamanka Soomaaliya ee ka qeyb galay Shirkaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in waxyaabaha diiradda lagu saaray ay kamid ahaayeen Arrimaha Xuquuqul-isnaasnka, Dhibaatooyinka Haysta Dumarka Carbeeda oo ay qeyb ka yihiin Haweenka Soomaalida iyo sidoo kale Dhaqaalaha wadamada Carabta.

Waxaa sidoo kale la isku afgartay in qaar mid ah masuuliyiintii kasoo qeyb gashay kulanka ay Maalgashi ku sameystaan Soomaaliya maadaama uu Kheyraad aad u badan uu ka buuxo Wadankaan, waxa uuna Prof. Dalxa hoosta ka xariiqay in ay wadamada Carabta ballan qaadeen inay garab istaagayaan Dowladad Soomaaliya.

Sidoo kale Xubnaha baarlamanaka Soomaaliya uga tirsan baarlamanka Dowladaha Carabta ayaa la qorsheynayaa inay maanta kulan la qaataan madaxda ugu sarreysa dalka Syria sida madaxweyne Bishaar Alasad.

Kulankii baarlamaanka wadamada Carabta ayaa maalintii shalay lagu soo gebogebeeyay gudaha mafgaalada Dimishiq ee dalka Syria iyadoo gebogebadiisa laga soo saaray Qodobbo muuhiim ah oo lagu tageerayo Dowladad Soomalaiya si ay Umadda u samata bixiso.

Related Items


Leave a comment