Madaxweyne Shariif oo faahfaahin ka bixiyay Safarkiisii

Saturday October 02, 2010 - 18:55:06
0 Comments
2131
Super Admin
Madaxweyne Shariif ayaa faahfaahin ka bixiyay safarro uu ku tagay dalal dhowr ah isagoo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkarkii uu ka qeyb galay madaxweynuhu.

Maxadweynaha oo maanta xildhibaano ka tirsan Barlamaanka kula hadlay garoonka diyaaradaha ayuu sheegay in shirarkii Soomaaliya looga hadlay ee ka dhacay New York iyo Madrid ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah oo wax looga qabanayo xaaladda dalka Soomaaliya ayadoo dowladda FKMG ah la isku raacay in la taageero si ay u guuleysato.

Sidoo kale Madaxweyuhu wuxuu ka hadlay arinta ku saabsan magaacaabidda R/wasaaraha cusub ee dalka, wuxuuna tilmaamay in uu soo xuli doono nin howl kar ah, oo soo dhiso xukuumad tiro yar oo ka tayo badan.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in marka uu arrintaasi sameynayo uu qaadan doono talooyinka ay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta dalku ay u soo jeedinayaan.

Mudanyaal ka tirsan barlamaanka, sii-haya R/wasaaraha C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha, ayagoo munaasabadda soo dhaweynta ka sheegay in ay rajeynayaan in la helo xukuumad tayo leh oo dalka wax ka qaban karta.

Related Items


Leave a comment