Kulan Maanta Degmada Burtinle uga furmay Wasiiro Puntland ka tirsan iyo waxgaradka si loo xaliyo Colaada ka jirta deeganka Cagaaran

Tuesday October 05, 2010 - 23:00:09
1 Comments
2300
Super Admin
Burtinle:-Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si weyn u xoojiyay in mar uun la soo afjaro colaada labada beelood ee ka jira deegaanka cagaaran oo u dhexeeya Sool iyo nugaal

Iyadoo maamlahaan danbe uu ka socday Garoowe kulamo ay madaxda puntland arintasi uga wada hadlayeen ayaa Maanta waxaa kulamo kale uu ka bilowday degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Shirka ka socda Burtinle waxaa ka qeybgalaya wasiirka deegaanka iyo wasiir xigeenka arimaha gudaha ee Maamulka Puntland kuwaasoo kulamo kula jira waxgaradka iyo odayaasha Burtinle si kaalin muuqata ay ugu yeeshaan xalinta colaad beeleedka ka taagan deegaanka Cagaaran.

Kulanka ayaa wararka durba aan ka heleyno waxay sheegayaan in la isla soo qaaday in talaabada kowoaad laga dhigo sidii marka hore maleeshiyo beeleedada loo kala qaadi lahaa kadibna xalka guud loogu soo jeesan lahaa.

Labada beelood ee isku haya deeganka cagaaran ayaa waxaa ay colaadoodu ka bilaaabatay markii hore dhul daaqsin lagu isku hayo waxaana markaa kadib arinta sii kacshay dil mid ka mid ah beelahaasi u gaysatay nin odey ahaa iyadoo markaa kadibna beeshii kale dileen 5 qofood.

Si kastaba Gudiga wasiirad ee Maamulka Puntland uu u saaray xalinta colaad beeleedka ayaa lagu wadaa inay soo afjaraan colaada islamarkaana ay ugu horeyn ciidamada kala qaadaan.

Maaha markii ugu horeysay oo Maamulka Puntland uu isku howlo xalinta is haysadka beelaha ku dhaqan meelaha maamulkaasi ka taliyo hore ayuuna madaxweyne Faroole iyo kuwii ka horeeyayna ay ugu guuleysteen joojinta dhiig ka dhex daadanaya beelo wada dagan hal deegaan oo hoos taga dhul weynaha Puntland.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha waraka

burtinletimes

Related Items

Comments


Leave a comment