Muqdisho:Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Saacadaha Soosocda lagu dhawaaqayo..(Warbixin).

Tuesday October 05, 2010 - 23:17:42
0 Comments
5452
Super Admin

Muqdisho:-Iyadoo Todobaadyadii lasoo dhaafay ay dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ahayd Ra'iisul Wasaare la'aan kadib markii uu Xilkaas iska casilay Ra'iisul Wasaarihii hayey kudhawaad labadii sano ee lasoo dhaafay Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo xilka ka tagay kadib khilaaf adag oo soo kala dhexgalay isaga & Madaxweyne Shariif ayaa waxaa imika la dareemayaa in aqalka Madaxtooyada Soomaaliya uu ka jiro dhaqdhaqaaqii u danbeeyey oo booskan lagu buuxinayo

Madaxweynaha Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta gabal dhicii kusoo laabtay Caasimada Soomaaliya kadib markii uu Nairobi u tagay Wadatashiyo uu la lahaa madaxda Kenya & qaarkamid ah Safiirada Beesha Caalamka ee lagu tiriyo inay lug baaxad leh ku leeyihiin Siyaasada Dawlada Kumeel gaarka ah kuwaas oo uu kala tashanayey Magacaabista Ra'iisul Wasaaraha xiga ee Soomaaliya.

Inkasta oo uu Madaxweyne Shariif soo noqday hadana waxaa bilowday kulamo adag oo uu la leeyahay Asxaabtiisa & Musharixiinta xilkan isku soo taagtay,kuwaas oo u badan Musharaxiin wax ku doonaysa Awood qeybsiga dawlada oo Beel kamid ah Beelaha Soomaaliyeed uu sharcigu dhigayo inay xilkan qabato iyadoo la eegayo tastuurka imika dawlada u degsan.

Waxaa soo baxaya guluf siyaasadeed & hadal heyno badan kuwaas oo laga dareemayo Muqdisho islamarkaasna waxaa siweyn loo hadal hayaa 4-Musharaxa oo kamid ah dadkii isa soo taagay & ugu yaraan 3-kale oo aanan weli ku dhawaaqin is sharaxaadooda balse la hadal hayo inay Asxaabta Madaxweynuhu u gudbiyaan Madaxweynaha,waxaana uu madaxweynuhu wadaa kulamadii kama danbaysta ahaa ee uu kaga arinsanayo cida la shaqaynaysa mudada kooban ee u dhiman.

warar aanu si hoos u helnay ayaa waxaay sheegayaan in uu caway si khaas ah ula kulmay nin aan ku jirin ragii is sharaxay nin kaas ay uu madaxwaynuhu caway la yeeshay tashi gooni ah arintaas oo ka shaki sisay dad badan oo u han waynaa in ay qabtaan xilkaas siyaasga uu sida goonida ah ula kulmay ahana rugcadaa siyaasi ah isla markaasna ay ka wada arin sanayeen magacaabida raysal wasaaraha kowaad ayaa ah mudane mohmed abdi yusuf ah nin dadku ay ku qiyasaan in uu yahay muwaadinaan raadin xil lakin daneeya somaliya in ay marlabaad cagaheeda isku taagto;

hadaba waxaanu sugnaa waa sacado yar in aanu maqalno magacaabista raysal wasaraha somaliya

Related Items


Leave a comment