Boqortooyada Sacuudiga oo amarro cusub oo xajka ku aaddan Soo saartay

Wednesday October 06, 2010 - 19:56:05
0 Comments
1866
Super Admin

Boqortooyada SaCuudi Carabia ayaa soo saartay go,aano la xiriira dadka xujeyda ah ee imaanaya sanadkan Dalka Sacuudi Carabia si ay usoo gutaan waajibaadka xajka.

Wasaaradda Caafimaadka ee Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay shuruudo lagu xiray Qof kasta oo Sanadkan doonaya inuu soo xajiyo,waxaana Amaradani ay yihiin kuwo la xiriira Caafimaadka Dadka Muslimiinta ah ee Xajinaya.

“shuruudaha Xajka waxaa sannadkan diiradda lagu saarayaa Feebaro Jaale, Maskax Garaadka, iyo Dabaysha, waxaana la farayaa qof kasta oo Xujeyda ka mid ah inuu la yimaado Warqad cadaynaysa inuu talaal soo maray oo ka soo baxday Hay’ad Caafimaad oo la aqoonsan yahay.”Sidaana waxaa sheegay Agaasimaha Xiriirka Warfaafinta ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Sacuudi Carabiya, Dr Khalid Al Mirghalani.

Dr Khalid waxa uu intaasi ku daray in Xujayda ka imaanaysa Dalalka uu saameeyay Cudurka feebaro jaale looga baahan yahay inay la yimaadaan Cadaymo muujinaya inay soo mareen Tallaal, isagoo hoosta ka xariiqay in Cadaymahaasi looga baahan yahay inay ka soo baxaan Hay’ad Caalami ah oo la aqoonsan yahay.

Waxaa sidoo kale Shuruudahani lagu daray in Qof kastaa uu iska soo talaalo Cudurka Hargab Shimbireekda ugu yaraan ka hor 10 Maalmood inta uusan u soo socdaalin Sacuudiga, ama illaa 10 Sano inuusan ka badnaan Talaalka.

Soomaaliya ayey ku dartay Wasaaradda Caafimaadka Sucuudigu Dalalka laga helay Cudurka feebaro jaalle ee ay saamayn ku yeelan doonaan Shuruudahani.

Waxaa sidoo kale shuruudaha ka mida in qof kasta oo soo xajinaya uu la yimaado Cadaynta Talaalka Maskax Garaadka ee ACYW135 oo muujinaya in ugu yaraan uu is talaalay 10 Maalmood ka hor inta uusan imaan Sacuudiga ama illaa iyo 3 Sanno. Iyadoo sidoo kalana Caruurta yar yar xitaa sanadkan looga baahan yahay Tallaalka Maskax Garaadka.

Cudurka Dabaysha ayeysan Somalia ku jirin Dalalka lagu xiray inay la yimaadaan Cadaymo muujinaya inay iska soo talaalaan.

Related Items


Leave a comment