Sheikh Shariif oo Ka Dhoofay Muqdisho

Friday October 08, 2010 - 20:25:05
0 Comments
2317
Super Admin
Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda dalka Libya.

Wefdi u hogaaminaayo Madaxweynaha ayaa kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka,waxaana lagu wadaa in ay ka qaybgalaan shir ay yeelanayaan madaxda wadamada Carabta iyo Afrika oo ka dhici doona dalka Liibya 9-ka iyo 10-ka bishaan October.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa shirka ka soo jeedin doona warbixino ku aadan burcadbadeeda, argagixisada iyo burburka dalka soogaarey, waxaana lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia in Madaxweynuhu ka codsan doono walaalaha Carabta iyo Afrikaanka ah sidii dalka Soomaaliya loo gacan qaban lahaa.

wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

burtinle times

Related Items


Leave a comment