Magaalada Sirte oo lagu xardhay sawirka m/weyne Shariif iyo madax kale

Friday October 08, 2010 - 20:50:02
0 Comments
2173
Super Admin
Waxaa ka soconaya magaalada xeebta saaran ee Sirte ee dalka Libya qaban-qaabo xooggan halkaasoo lagu wado in maalinka berito ah uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda carabta (Arab League), kaasoo ay Soomaaliyana qeyb ka tahay.

Kulankan berito furmaya oo loogu magac daray Arab League Extraordinary Summit and the Arab-African Summit ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo gaar ah oo ay ugu weyn tahay wadahadalada u socda Falastiin iyo Israel, waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo Afrika ah sida wadamada Sudan iyo Soomaaliya oo ay xasarado ka jiraan.


Hadaba sawirada madaxda ka qeyb galeysa shirkaasi ayaa lagu xardhay wadooyinka, waxaana ka muuqda m/weynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isagu matalaya dalka Soomaaliya.

Inta badan madaxda shirkaasi ka qeyb galeysa ayaa gaaray magaalada Sirte, waxaana wafdi uu hogaaminayo m/weynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ay kasoo ambabexeen magaalada Muqdisho maanta duhurkii.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada Sirte m/weyne Shariif iyo wafdigiisa.



wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

burtinle times

Related Items


Leave a comment