Laba nin oo u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Israel oo qirtay in Somaliya hub u daabuleen

Saturday October 09, 2010 - 01:11:46
0 Comments
2826
Super Admin

Wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Maraykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday in laba nin oo ka soo kala jeeda dalalka Maraykanka iyo Israel ay si rasmi ah u qirteen in ay hub si qarsoodi ah ugu daabuleen dalka Somalia iyada oo habayaraatee aysan wax ogalaansho ah ka haysan jihooyinka ay khusayso arrintani.

Joseph O’Toole, oo 79 jir ah isla markana horay u ahaan jiray duuliye diyaaradaha dagaalka iyo Chanoch Miller, 53 oo u dhashay dalka Israel ayaa waxa ay qirteen in ay hubka nooca qoryaha loo yaqaan AK 47 ay u tahriibiyeen dalka Somaliya taas oo xad gudub ku ah sharciga dalka Maraykanka ee kantaroolaya hub u daabulida dibeda .

Wararku waxa ay inaa ku darayaan in Miller uu ku bixiyay gadista 700 oo qori 116 kun oo dollar ,isaga oo u dhiibay wakiil dhumaalaysanaya ,lacagtaas oo ah wejiga hore ,isla markana lagu daboolayo kharajka loogu daad guraynayo dalka Somaliya

labadan nin ayaa hadii lagu helo denbigan waxa ay mutaaysan karaan ilaa shan sano oo xarig ah iyo saddex sano oo dusha laga waardiyaynayo.

Related Items


Leave a comment