Kulanka jaamacadda Carabta oo furmaya dhawaan

Saturday October 09, 2010 - 18:59:45
0 Comments
1899
Super Admin

Kulan Madaxeedka wadamada Jaamacadda Carabta ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada Sirta ee dalka liibiya, iyadoo Ajendeyaasha looga hadlayo ay qeyb ka tahay Arrimah Soomaaliya.

Kulanka ayaa diradda lagu saari doonaa arrimo ku saabsan Bariga Dhexe, Suudaan, sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hannaanka uu ku shaqeynayo Ururka jaamacadda carabta iyo Xaaladda Soomaaliya.

Shirka waxa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo ka tirsan Dowladad Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena ay ka qeyb gali doonaan Hogaamiyeyaal iyo Wakiillo ka tirsan wadamada Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Kulanka Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa waxaa xiga Kulankii 2-aad ee Hogamiyeyasha wadamada carbta iyo Afrika kaas oo maalnita berry ah ka bilaaban doona isla magaalada Sirta ee dalka liibiya.

Waxyaabaha looga hadlayo shirka u dhaxeeya Carabta iyo dalalka Afrikaanka ah waxaa kamid ah Sidii loo diyaarin lahaa Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda ay ku shaqeynayaan Hogaamiyeyaasha Carabta iyo Afrika inta u dhaxeysa 2011-2016-ka.

Maalintii Khamiista ayeey aheyd markii Kulan ay wasiiradda arrimha Dibadda Jaamacadda Carbta kulan ku yeesheen Magaalada Sirta ee dalka Liibiya, kaas oo ay ku soo diyaariyeen Ajendeyaasha ugu muhiimsan ee looga doodayo Labada Kulan Madaxeed ee ka dhacaya Gudaha dalka Liibiya.

Kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan madaxada Jaamacadad Carbta iyo Afrika ayaa dhacay sanadkii 1977-kii, iyadoo Kulanka berri la filayo inay ka soo baxaan Qodobo muhiim ah oo lagu wajahayo xaaladaha ka taagan dalal faro badan oo ka tirsan caalamnka.

Related Items


Leave a comment