Dowladda Uganda oo faahfaahin ka bixisay dadka loo hayo qaraxyadii Kampal

Saturday October 09, 2010 - 19:03:51
0 Comments
2267
Super Admin

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ilaa iyo 36 ruux oo lala xariirinayo in ay masuul ka yihiin qaraxyadii ka dhacay kampala ee ay ku dhinteen dadka badan.

Warbixin ay soo saareen Baliiska dalkaasi ayaa lagu sheegay in baaritaanka oo ay ka qeyb qaateen ciidamada FBI-da Mareykanka lagu helay xog muujinayesa in dadka ka dambeeya qaraxaasi ay ka soo jeedaan 7 dal, oo sadex ka mid ah ay Al-qaacido ka howl gasho sida Soomaaliya, Yemen iyo Pakistaan, halka masuuliyada qaraxaasina ay sheegatay kooxda Shabaab ee ka dagaalanta Somalia oo xariir la leh Al qaacida.

`Madaxa sirdoonka Uganda Jamis Mugira ayaa sheegay in masuuliyada qaraxaasi ugu yaraan qeyb ku laheyd Al-qaacida inkastoo uu sheegay in uu aaminsan yahay in qorshaha qaraxaasi lagu soo dejiyay Somalia.

“Uganada ma dhaheyso waxa dhacay 11 july ma dhacayaan xilli kale” sidaa waxaa yiri afhayeenka ciidanka Uganda felix kulayigye “waxa ay ka dhacaan dalal ka tirsan caalamka oo inaga hurumarsan technology ahaan, naga adeegyo wanaagsan xagga amaanka sidaa darteed waxaan isku dayeynaa in aan yereyno” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dadka laga shakisan yahay waxaa lahayaa taariikh noleedkooda dambe qaar waxa ay ahaayeen ganacsato, arday jaacadeed iyo hogaamiyeyaal masaajid, waxaana ay ka kala yimaadeen dalalka Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda.

Madaxa waaxda dembi barista Uganda Edward Occhom oo lahadlayay AP waxa uu sheegay in dadka ay dowladdu u xirxirtay qaraxyadaasi ay yareenayaan falalka argagixiso ee Uganda.

“ma ahan dad lagu qaldoomay, baliisku waxa ay hayaan cadeymo cad oo muujinaya falalka ay ku lug lahaayeen kuwaasi oo la horgeynayo maxkamada” ayuu hadalkiisa daba dhigay Edward ochom.

Hey’adaha u dooda xuquuqul insaanka ee dalalka Uganda iyo Kenya ayaa muujinaya in dadka la qabqabtay qaar ka mid ah ay yihiin dad lagu xad gudbay oo aan ku lug laheyn dembiyadaasi, kuwaasi oo uu ku jiro Al-Imam Kimathi oo ah nin si weynm looga yaqaano ururada islaamka ee ka dhisan Kenya.

Mid ka mid ah dadka laga shakisan yahay oo lagu magacaabo Max’ud Mugisha ayaa sheegay in lacag gareysa 4,000 oo dollar lagu siiyay Al Shabaab si ay uga caawiso qorshaha weerarkaasi.

Mugishu waxa uu intaa ku daray in bamka lagu soo farsameeyay Somalia ayna soo marsiiyeen Kenya isla mkarkaana ay heleen caawimaad ay ku soo gaarsiiyeen Kampala, ayadoo la soo marsiiyay dalka Kenya iyo Soomaaliya oo laga keenay walxaha qaraxyada loo adeegsaday, wuxuuna sheegay ninkaasi in ay cawinaadda ka qeyb qaateen shaqsiyaad ka tirsan laamaha ammaanka ee dalalkaasi, sida ay warisay AP.

Inkastoo Uganda ay baaritaano xooggan ku sameysay shaqsiyaadkii masuulka ka ahaa iyo dadkii ku lug yeeshay qaraxyadaasi ayaa haddana waxaa muuqanaya in ay jiraan qataro dhanka ammaanka ah oo laga geysan karo Bariga Afrika oo idil, shakhsiyaad ka suna Uganda waxay sheegayaan in la filan karo weerarro kale oo ka dhaca dalkaasi ayadoo si aad ah loo xoojiyay ammaanka waddanka oo dhan.

Related Items


Leave a comment