Xildhiban Da'ud oo Kulankiis 3-aad layeeshay Jaaliyadda YD ee Nebraska

Monday October 11, 2010 - 05:18:44
6 Comments
7770
Super Admin
Xildh. Daud iyo Ahmed Jigre
Xildh. Daud iyo Ahmed Jigre
Sidii aan horay aan idinku wargalinay socdaalka Xildhibaan Da'ud ee uu ku marayo waqooyiga America iyo Europe ayaa wali soo gaba gaboobin ayadoo uu wali dhexda kaga jiro mudadii uu ugu talagalay in uu ku baxsho safaradaas.

Axadii lasoo dhaafay ee taariikhdu ahayd Oct 3, 2010 ayaa Xildhibaan Da'ud uu kulankii sadexaad layeeshay qaar kamid ah wax garadka iyo cuqaasha Beesha YD ee ee kudhaqan Gobalka Nabreska magaalada Omaha. Kulankan ayaa qayb ka ah kulamadii uu Xildhiban Da'ud horay uga soo sameeyey Magaalooyinka Boston iyoMinneapolis

Xildhiban Da'ud ayaa kasoo qayb galayaasha Madasha ka dharjiyey in wada jirka iyo Midnimada umada ay tahay midaa kaliya ee maanta soo celin karta qarankii somaliyeed ee lumay iyo isagoo sidoo kale sheegay in wax wada qabsiga iyo Horumarka beesha YD oo lasoo celiyo ay samayn kuyeelan karto in midnimada Qaran. sikastaba ha ahaatee Xildhibaan Daud ayaa ku dheeri galiyey Dadwaynihii kasoo qayb galay kulanka uu ubadnaa Ganacsato waayeyn oo base koodu yahay dibada ay ku dhiiradaan inay wadankii gaar ahaan degaanada Beesha ay kubalaariyaan ganacsigooda ugana fa'ideeyaan umadooda iyo sidoo kale in Mashruucyo iyo Hay'ado samafal ah ay geeyaan.

Arimahaas ayaa ahaa kuwo ay aad u soo dhaweeyen cuqaashii iyo ganacsatadii kasoo qayb gashay kulanka. waxaa sidoo kale kahadlay madasha Waxgarad Badan uu kamid ahaa Nabadoon Ahmed Jigre oo isago dhawaan kasoo laabtay Somalia gaar ahaa Puntland soona arkay oo soo xaqiijiyey nolasha rasmiga ee ay ku noolyihiin Dadkeena iyo dhaq dhaqaaqoda guud ahaan, waxaa uu dhamaan xoojiyey Socdaalka Xildhibaanka iyo wax kudhaliyey in xildhibaanku uu safarkaas dheer usoo galo arimahaan.

Talooyinkii iyo dhiirigalintii Xildhaban Da'ud uu ula tagay reer Nebraska ayaa ladhihi karaa horay ayey ka qaateen ayagoo halkaas ay ku dhaqaa qeen talaaboyin horleh oo ay ugu bud-dhigeen isbadalka Cusub. Waxaa intaas dheer in gudi lagu magacaabay kuwaas oo kashaqayn doona dar-dar galinta isbadalka cusub. Magacyada gudiga cusub ayaa ah sidaan:-

Shiine Ciise Muse
Ahmed Gaftin
Abdirazak Ali Salaad
Dadaalka Xildhibaan Da'ud ayaa run ahaantii umuuqda mid baahay oo gaaray qaarad ilaa qaarad iyadoo aad moodid In beesha ay u dhalatay bil barwaaqo ah oo lagu soo celinayo tayadii iyo muuqaalkii ay beeshu ku lahayd Umadda Somaliyeed.

Socdaalka Xiga ee Xildhibaan Da'ud ayaa ku aadan Gobalka California magaalada San Deigo halkaas oo uu sidoo kale ku qaabili doono Jaaliyada YD ee halkaas ku dhaqan.













Related Items

Comments


Leave a comment