Wasiirka Dekedaha Puntland & ilaaladiisa oo ay gacanta ku dhigeen Koox Burcad Badeed ah

Tuesday October 12, 2010 - 05:29:03
0 Comments
1583
Super Admin

Wararka kaiminaayaa degmada Jiriiban ee gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in Koox Burcad Badeed ah oo aad u hubaysani ay goordhaweyd si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Wasiirkii Dekedaha & Gaadiidka Badda ee dawlada Puntland Mudane Sicid Maxamed Raage oo saaka ay Dagaalo kala duwani ku qabsadeen deegaano kamid ah gobolka Mudug.

Kooxdan burcadbadeedka ee gacanta Ku dhigay wasiirka iyo ilaaladiisa ayaa ka mid ah burcad badeedka ka howla gala Gobolada dhexe ayaa Awood u sheegtay Ciidamadii Puntland waxaase ay ceebku noqonaysaa dowlada Puntland.

Gudoomiye Xigeenka Degmada Jariiban ee gobolka Mudug Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa xaqiijiyey Warkan,waxaana uu sheegey in ay wadaan dadaalo lagu baadi goobayo Wasiirka oo aanan weli la ogeyn halka ay geysteen Kooxdii qabsatay,isagoo sheegey in ay imika weli hubin halka lala aaday Wasiirka Dekedaha Puntland waana markii ugu horeysay wasiir ka mid ah maamulka Puntland oo la afduubo.

Related Items


Leave a comment