Taariikhdii Asxaabtii Nabiga SCW ee Maroodiga

Tuesday October 12, 2010 - 19:11:30
0 Comments
8882
Super Admin

Dhacdada Asxaabtii Maroodigu waxay dhacday bishii Sako kahor dhalashadii Suubbanaha“Sallallaahu calayhi wasallam”konton ama shan iyo konton maalmood (sida loo badan yahay) waxayna u dhigantay dhammaadkii Febaraayo ama horraantii Maarso, sanadkii 571kii (C.D.).

Xabasho ayaa qabsatay dhulka Yaman taladiina kala wareegtay boqortooyadii reer Yaman ee Ximyar oo dalkaas ka talin jirtay. Markay boqortooyadii u wareegtay Boqorkii xabashiga ahaa ee laoranjirayAbraha Al-Sabaax Al-Ashram(Al-Ashram macneheedu waxa weeye: midkii wajigiisu kala dhanbalnaa, ayadoo waran lagu dhuftay uu wajiga kala jeexay), wuxuu Sanca, caasimadda Yaman ka dhisay Kaniisad aad u weyn oo Kaniisad la mid ah aan samankaas la arag, magaceeduna ahaa Al Qulays. Wuxu ku dhisay Dhagax cad oo Marmar ah, Qori adag iyoDahab.

Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu Carabta ka leexiyo u xajinta Makka, una leexiyo inay Kaniisaddaas u xajiyaan. Ujeeddada ninkaas warkeedu markuu carabtii gaaray, waxaa carooday nin kamid ah reer Nasii', kana tirsanaa Banii Fuqaym ibnu Cadiy ibn Caamir ibnu Thaclaba ibnul Xaarith ibnu Maalik ibnu Nadar ibnu Kinaana. Al-Nasaa'a waxa weeye kuwii bilaha afarta ah ee xurmada leh kalana ah: Sidataal, Arrafo, Sako iyo Sabbuux, intay xurmada ka qaadaan dib u dhigi jiray. Dadka sidaas samayn jiray, bilaha xurmada lehna dib u dhigi jiray, waxaa la oran jiray Nasaa'a.

Haddaba, ninka ujeeddada Abraha ka carooday wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay oo bilaha xurmada leh dib u dhiga, carabta dhexdeeda. Bishii uu xalaaleeyo way xalaalaysan jireen, bishii uu xarrimana waxay ka dhigi jireen xaaraan. Tusaale ahaan, wuxuu xalaalayn jiray bisha Sako, markaas bay dagaal iyo is dilid dhexdeeda ku xalaalaysan jireen. Xurmadii ay Sako lahayd buu markaas wuxuu siin jiray bisha Safar. Ninkaas magaciisu wuxuu ahaaXudayfa ibnu Cabdullaahi ibnu Fuqaym, koofaartiisunaAl-Qalammas.

Markuu carooday ninkii Kinaaniga ahaa, wuu baxay oo wuxuuna tegay Kaniisaddii weynayd ee Abraha. Markaas buu goor habeennima ah dhexdeeda ku saxarooday kuna xaajo gutay, kaddibna dhulkiisii buu ku laabtay.Markii Boqorkii Abraha loo sheegay waxa uu Xudayfa sameeyay, buu carooday, wuxuuna ku dhaartay inuu aadi doono Kacbada oo ahayd meesha ay Xudayfa iyo Carabtuba u xajiyaan, uuna soo dumin doono. Sanadkaas ayaa lagu magacaabay Sanadkii Maroodiga.

Abraha wuxuu soo kaxaystay ciidan gaaraya lixdan kun oo Askari, wuxuuna soo aaday Makka, asagoo doonaya inuu Kacbada dumiyo. Intuu dhex soo socday, Carabtii kahor timid oo dhan wuu ka adkaaday. Markuu Dhaa'if tegay, buu Makka u diray nin Xabashi ahaa oo la oran jirayAswad ibnu Maqsuud, markaas ayuu soo dhacay xoolihii ay reer Makka lahaayeen, ayna kamid ahaayeen 200 halaad oo geel ah oo uu lahaaCabdul Mudhalib ibnu Haashim,

awoowihii Nabi Maxamed“Sallallaahu calayhi wasallam”. Aswad wuxu xoolahaas uu soo dhacay u geeyay Boqorkii Abraha. Abraha wuxuu misana Makka u diray nin la oran jiray Xunaadha Al-Ximyari, wuxuuna amray inuu soo ogaado dadka deggan Makka qofka ugu sharaf badan, hoggaankooda iyo taladoodana haaya, una sheego inuusan Abraha u imaan dagaal, balse uu u yimid inuu Kacbada dumiyo.Xunaadha markuu Makka tegay, dadkiina waraystay, waxaa loo sheegay in reer Makka uu madax u yahay Cabdul Mudhalib ibnu Haashim. Markaas ayuu fartiintii uu ka siday boqor Abraha u sheegay. Cabdul Mudhalib wuxuu ninkaas ku yiri: "Wallaahi annagu ma doonaynno dagaalkiisa, xoog aan isaga celinnana ma lihin. gurigaan waa Beytkii Alle iyo guriga Wadaygiisii Ibraahim.

Hadduu ka ceshadana, hadde waa gurigiisii iyo Xaramkiisii, hadduusan ka celinna, annagu xoog aan uga celinno ma lihin".Cabdul Mudhalib wuxuu intaas dabadeed raacay ninkaas Xunaadha la oran jiray, asagoo doonaya inuu Boqorka la kulmo. Markay tageen meeshii uu Boqorku joogay, Abrahana loo sheegay in Cabdul Mudhalib yahay madaxa reer Makka, uuna doonayo inuu la kulmo, wuu oggolaaday inuu qaabbilo oo la kulmo. Markuu Abraha arkay Cabdul Mudhalib iyo haybaddiisa, aad buu u ixtiraamay, wuxuuna ku karaameeyay inuu la fariisto. Haddii uu Carshiga kusoo fariisin lahaa, wuxuu ka baqay inay Xabashidu aragto isagoo kula fadhiya sariirtii Boqortooyada. Markaas buu isagii intuu Carshigii ka degay, Katiifad u fidsanayd Cabdul Mudhalib ku fariisiyay, isna kula fariistay. Kaddib Abaraha wuxuu yiri:

"Waa maxay muraadkaagu?".Cabdul Mudhalib wuxuu u sheegay in 200 halaad oo geel ah laga soo dhacay oo laga soo qaatay, geelaasna uu doonayo in loo soo celiyo. Markaas buu Abraha ku yiri:"Markaan ku arkay waan kuu bogay, markaad hadashayse waan kaa kaaftoomay. Ma waxaad igala hadlaysaa 200 halaad oo geela oo aan kaa soo dhacay, kana hadli maysid guri diintaada iyo diintii awoowayaalkaa ahoo aan u imid inaan dumiyo?".Cabdul Mudhalib wuxuu ugu jawaabay:"Anigu geela ayaan leeyahay, guriguna Alle difaaca ayuu leeyahay".

Abraha geeliisii ayuu Cabdul Mudhalib u celiyay, kaddibna Makka ayuu ku noqday.Markuu Cabdul Mudhalib Makka ku noqday, Quraysh ayuu warkii gaarsiiyay, wuxuuna faray inay Makka ka baxaan oo ay galaan oo isku ilaaliyaan godadka ku yaal buureheeda, cabsi ay ka qabaan Askarta Abraha daraadeed, Askartaas oo Quraysh oo dhan ka badnayd. Markii Qurayshi ay Makka ka baxday, ayaa Cabdul Mudhalib iyo dad kale oo Quraysh ahi waxay tageen Kacbada, markaas buu intuu iriddeeda qabsaday, Alle ka baryay inuu u gargaaro, Abraha iyo askartiisana guul ka siiyo.Cabdul Mudhalib asagoo iridda Kacbada ku dheggan ayuu wuxuu yiri:

"Alloow, Addoomadu ayagaa guryohooda ilaashanaya ee adiguna gurigaaga ilaasho. Berrito yaysan kirishtadooda iyo xooggoodu ka adkaan Adiga xooggaaga. Haddaad u deynaysid inay Qibladeenna qaataanna sidaad doonto yeel".

Abraha ciidankii buu heegan geliyay, wuxuuna u diyaariyay siduu Makka ugu duuli lahaa, Kacbadana usoo dumin lahaa. Waxaa la yiri tirada Maroodiyaalka uu ciidankaasu watay waxay ahaayeen sagaal ama saddex iyo toban Maroodi. Wuxuu fuulay Maroodiyaalkiisa kii ugu weynaa inta kalena hormuud u ahaa ooMaxamuudla oran jiray. Markii ay marayaan Waadi la yiraahdoWaadi MixsarooMuzdalifaiyoMunau dhexeeya, ayuu Maroodigii fariistay, waana uu diiday inuu Kacbada xaggeeda u dhaqaaqo. Mar kasta oo aydhanka Kacbada u jeediyaan wuu fariistaa, haddii ay jihooyinka kale oo idil u jeediyaanna, intuu istaago ayuu weliba ordaa.

Intii ay xaaladdoodu sidaas ahayd, ayuu Alle wuxuu u soo diray Shimbiro kooxo kooxo ah, oo xagga Badda uga yimid. Shimbirahaas waxay u ekaayeen Shimiraha Afka Carabiga lagu yiraahdo Khadhaadhiif, Afka Ingiriiskana Swalloow, oo aan muddo dheer dhulka fadhiyin, oo markay lugaha dhulka dhigtaan haddana hore uga kaca. Shimbir waliba waxay sidday saddex dhagax; Mid ay Afka ku sidday iyo labo ay labada Lugood ku kala sidday. Dhagaxdaas waxaa la yiri waxay le'ekaayeen miraha Xumuska. Markaas bay dhagaxdaas kusoo tuureen Askartii Abraha, qofkay ku dhacaanna wuu dhimanayay. Dhagaxdu askartii oo dhan kuma wada dhicin.Intii ciidankaas ka fakatay oo aysan dhagaxdu ku dhicin oo Abraha kamid ahaa, Yaman bay degdeg ugu carareen.

Abraha waxa uu Alle kusoo diray cudur keenay in xubnihii jirkiisa hadba intay midi iska go'do, ay ka dhacdo. Asagooy hadba sidaas xubini uga go'ayso oo ay uga dhacayso, bay ciidamadiisii soo kexeeyeen, ilaa ay Sanca ka keeneen. Abraha wuxuu Sanca gaaray asagoo u ekaaday shimbir baalashii iyo addimadii laga gooyay. Intuusan dhiman, xabadkii ayaa inta dillaacay, wadnihii dibadda uga soo baxay. Waxaa la sheegay in sanadkaasi uu ahaa markii ugu horraysay oo dhulka Carabta lagu arko labada cudur oo la kala yiraahdoFuruqiyoJadeeco.Abraha markuu dhintay, waxaa boqornimadii dhaxlay wiilkiisii oo magaciisu ahaaYaksuummarkuu sandku ahaa 571.

Dhacdadaasi qiimaha weyn oo ay lahayd waxaad ka garan kartaa inay carabtu taariikh tirsi ka dhigatay. Hadduu Abraha Quraysh ka adkaan lahaa, uuna Kacbada dumin lahaa, diinta Kirishtaanka ayaa Makka geli lahayd, carabna waxaa lagu khasbi lahaa inay Kirishtaan diin ka dhigtaan. Sababtu waxaa weeye Yaman waxaa xukumayay Boqorro Xabashi ah oo Kirishtaan ah, sidaas ayaana dad badan oo reer Yaman ah loogu khasbay inay Kirishtaan noqdaan, markoodii hore ha ahaadeen kuwa Asnaamta caabuda, ama yuhuudba ha ahaadeene.Sanadkaas Maroodiga kahor, waxay Qurayshi ka taariikh tirsan jirtay markuuQusay ibnu Kilaabdhintay, taasoo lafteedu muujinaysa siduu ninkaasi agtooda uga weynaa. Markii ay dhacdadii sanadkii Maroodigu dhacdayna, waxay taariikh tirsi ka billaabeen sanadkaas.Dhacdadaas Maroodigu waxaa lagu sheegay Qur’aanka Kariimka ah, Suuratul Fiil:

(Ma waadan ogayn siduu Rabbigaa u galay Qoladii Maroodiga wadatay(1) Miyaanu Eebbe ka dhigin hagartoodiimid khasaartay (2) Miyuusan ku dirin Shimbiro koox koox ah (3) Ku tuuraysa Dhagaxyo Dhoobo la dubay ka samaysan (4) Markaasna ka dhigay sidii Bal la daaqay)(Suurat Al-Fiil: 1-5).

Alle wuxuu leeyahay Ma waadan ogayn oo aysan Nabiyoow kusoo gaarin siduu Rabbigaa u galay Qoladii Maroodiga wadatay ee gaadiid ka dhigatay. Miyaanu Eebbe ka dhigin hagartoodiiay ku rabeen inay Kacbada dumiyaan ahayd mid khasaartay kol haddaanay dantoodii gaarin. Intaas weliba laguma deyn ee miyuusan ku dirin Shimbiro koox koox ah oo ku tuuraysa Dhagxaan ka samaysan Dhoobo la dubay. Markaasna ka dhigay sidii Bal la daaqay.

Dhagaxda Dhoobada la dubay ka samaysan ee lagu sheegay Aayadda afaraad, waxaa kale oo Qur’aanka lagu sheegay Aayadda 82 ee Suuratu Huud iyo Aayadda 74 ee Suuratul Xijri, oo labaduba sheegayaan in dhagaxdaas Samada looga soo da'siiyay Qoomkii Nabi Luudh Calayhi Salaam, oo ayagana lagu ciqaabay. Haddaba, dhagxaantaas yaryar ayuu Alle ku jebiyay ciidankii Makka soo weeraray, halkaasna wuxuu ka noqday isagoo laga adkaaday, oo aan muraadkiisii gaarin. Welibana sidaas laguma daayine waa la baabi’iyay. Qof kasta oo askartaas kamid ahba, markii ay dhagxaantaasi ku dhacaan, hilibka jirkiisa ayaa daadanayay, oo dhulka ku shubmayay.

Jabkaas Xabasho ku dhacay warkiisu wuxuu gaaray dunida oo dhan, maxaa yeelay Xabashidu waxay xiriir xoog leh waqtigaas la lahaayeen Roomaanka, Faaris oo ay xurgufi ka dhaxaysayna, waxay indha gaar ah ku eegayeen jabka Roomaanka iyo xulafadooda ku dhacay. Sidaas darteed, dhacdadaas muddo gaaban kaddib, Faaris waxay qabsadeen Yaman. Dhacdadaasi waxay dunida oo dhan tustay sharafta, haybada iyo karaamada ay Kacbadu leedahay iyo sida uu Alle u doortay. Eebbe Subxaanahu watacaalaa wuxuu shimbirahaas ku badbaadiyay Gurigiisii Xurmada lahaa (Kacbada), kaasoo kaddib noqday Qiblada muslimiinta meel kasta ooy dunida ka joogaanba

Waxaa DiyaariyaySabriye Macallin Muuse

Source: Nateexo.com

Related Items


Leave a comment