Maxaa Loogu Dow Galay Sheikh Shibile iyo Sheikh Umul ?.

Thursday October 28, 2010 - 22:06:32
6 Comments
16569
Super Admin
Xiliyadan dambe waxaa soconayey duulaan dhinaca warbaahinta ah oo laguhayey culimada diinta ku xeel dheer, gaar ahaan labada Sheikh eeUmal iyo Shibli, hadaba su'aasha isweyndiinta mudan waxay tahay, maxaaloogu dow galay Culimadaas ?.

Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ahaato nabigeena dushiisa (SCW).

Ujeedada qormada

Hadii ay lama huraan tahay in wax laga barto Diinta Islaamka

Hadii Culimadu yihiin hogaanka dhabta ah ee umadda

Hadii cida xaqa iyo baadilka kala cadeyneysay ay Culimada yihiin

Hadii dad aan intaas fahansaneyn ama ujeedo kala leh culimadii ay weerar ku yihiin

Hadii dad badan laga yaabo inay u dheg raariciyaan dadka weerarka ku 'ah Culimada

Hadii ay lama huraan tahay in la difaaco xaqa iyo cidii dadka u iftiimineysay

Markii ay intaasi iyo in kale oo aanan xusin is-biirsadeen ayaa waxaan go'aan saday "qoraha maqaalkan" inaan halkeygii kasii wado qormooyinkii aan ku garab istaagayey akhiyaarta umadeena, tanna ma noqon doonto tii ugu dambeysay ee aan waajibkaas ku gudanayo, hadii Ilaahay idmo.

Hadaba akhritow yaanan kudaaline marka hore indhahaaga iyo dareenkaaga ku soo jeedi qormadan, adoo marka hore ka bogan doona warbixin yar oo ku saabsankuwa ay yihiin culimada aan doonayo inaan qormadeydan oo laba qeybood ka koobnaan doonta ku difaaco, kusoo dhawow.

Sheikh Shibli iyo Sheikh Umal waa laba Sheikh oo ka mid ah Culimada waqtigooda intiisii badneyd ku soo qaatay barashada, barida, iyo u adeegidda Diinta Islaamka, ilaa iyo haatanna waxa ay ku guda jiraan howshaas baaxadda leh.

Sheikh Umal

Sheikh Maxamed Macalin Cabdi Umal, waa Imaamka Masaajidka Abuu Bakar Sidiiq ee loo yaqaano Masaajidka 6-ka, ee magaalada Nairobi,wuxuuna Cilmiga ka akhriyaa Masaajidkaas iyo kuwa kaleba, isagoo xilka Imaamnimo qabtay sanadkii 1994-tii,xiligaasoo Masaajidkauu ka taagnaa Khilaaf xoog leh, Sheikha ayaana Ilaahay sabab uga dhigay in Masaajidka uu noqdo mid ka mid ah Masaajidyada ugu camiran ee caalamka.

Sheikhawixii xiligaas ka dambeeyey wuxuubixiyey Cilmiaad u farabadan, isuguna jiray Kutub, khudbooyin,iyo Muxaadarooyin,waxaana ka xusi karaa, Cilmiga uu akhriyey, Tafsiirka Qur'aanka Kariimka, Saxiixul Bukhaari, Siirada Nabiga (Raxiiqul Makhtuum) Buluuqul Maraam, kutub badan oo caqiido ah, kuwo Fiqi 'ah, iyo kutub kale oo isugu jira dhamaan noocyada kala duwan ee Cilmiga, sidoo kale dhinaca Khudbooyinka Sheikha waxa uu uga hadlay arimo kala duwan oo aad u badan, waxaana intaas dheer Muxaadarooyin aad u badan oo ka hadlayey arimo kala duwan oo uu Sheikhu ka akhriyey Masaajidka uu Imaamka ka yahay iyo kuwa kale oo ku yaala dalka Kenya iyo caalamka kaleba, waxaana cilmiga Sheikha ka faa'iideystay kumayaal Soomaali ah oo caalamka ku kala firiqsan, iyadoo dhamaan Cilmigii uu Sheikhu Akhriyey la heli karo isagoo duuban.

Sheikh Umal waxaa howsha akhrinta cilmiga u dheer, howlo kale oo uu bulshada u hayo, sida,xalinta Is-maandhaafyada soo kala dhex gala bulshada Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan, iyo kuwa meelo kala joogaba, waxaana arimaha uu Sheikhu mashquulka ku yahay ka mid ah, xalinta is-maandhaafka qoyska, midka shirkadaha ganacsiga, xurgufaha u dhexeeya qabiilada, kuwa soo dhexgala ducaada, macalimiinta iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku hadasha luuqada aad qoraalkan ku akhrindoonto, iyo weliba kuwa aan Soomaali aheyn ee Muslimka ah.

Hadii aad u baahatid Sheikha, ma sahlana inaad si fudud u hesho, waxaana intaa u dheer Taleefoonada uga imaanaya meelo kala duwan, waxaana hadii aad calool nugushahay go'aan ku gaareysaa inaad howshii aad Sheikha ka rabtay dib ula laabato, adoo u turaya Sheikha iyo Culeyska saaran, Illaahay hala garabgalee.

Dhaqanka Sheikha

Sheikha waa nin aad u dabacsan, isla markaasna qof walba u soo joogsada, waxaana hadii aad ka mid tahay dadka ku xiran Masaajidka abuu Bakar aad arki kartaa, sida Sheikha faylka loogu jiro, isagoo marka uu salaadda ka baxo ilaa xili dambe ku mashquulsan dad u safan ilinka Masaajidka, kuwaasoo mid walba uu doonayo in Sheikhu ka haqab tiro arin isaga ku taagan.

Sheikhu dadka da'da ah iyo culimada, dhamaan waa uu ixtiraamaa, waxaana aniga markhaati ka 'ahay, isagoo Sheikhu cashar akhrinaya inuu Masaajidka soo galay Sheikh Maxamed Haadi Allaha u raxmadee, waxaana Sheikh Umal uu hakiyey casharkii, isagoo soo salaamay Sheikha, taasna waxa ay kuu muujineysaa sida Sheikhu u jecel yahay inuu Ixtiraamo culimada kale.

Waxyaabaha Sheikh Umal dadku aadka ugu jecel yihiin waxaa ka mid ah, sida Sheikha uu dadka uga raarido casharada uu akhrinayo, iyadoo su'aal walba oo maskaxdaada ku soo dhacda uu Sheikhu casharka uga jawaabayo, hade ogow waa inta aan la weydiinin su'aasha, marmarka qaar waxaad is leedahay "Sheikha ma aduu ogyahay waxa maankaaga ku taagan"? maya ma ogee wuxuu soo 'ahaan jiray arday.

Waa kuma Sheikh Shibli ?

Sheikh Maxamuud Sheikh Maxamed Shibili waa Imaamka Masaajidka Hidaaya ee magaalada Nairobi, wuxuuna Cilmiga ka akhriyaa Masaajidkaas, Sheikhu wuxuu dalka Kenya yimid dhamaadkii 2005-tii, wixii intaas ka dambeeyeyna waxa uu akhriyey Kutub farabadan oo 'aan ka xusi karo Saxiixul Muslim oo uu hada wado, Cilmiga Fiqiga oo uu heerka ugu hooseeya ka soo bilaabay, gaar ahaan Fiqiga Shaaficiyada, wuxuu kaloo Sheikhu akhriyey kudub badan oo cilmiga noocyadiisa kala duwan leh, isagoo Sheikhu leh ardo badan oo qaarkood ay xer u 'ahaayeen Sheikha tan iyo markii uu wax akhrinta ka bilaabay Nairobi, waxaana Sheikha cilmigiisa ka faa'iideystay kumayaal Soomaali ah, sidoo kale dhinaca Muxaadaroo yinka Sheikh Shible arimo badan ayuu ka hadlay,iyadoo ay intaasi dheertay Khudbooyinka uu Jimcayaasha ka akhriyo Masaajidka Hidaaya,waxaana dhamaan cilmiga Sheikha la heli karaa isagoo duuban.

Sheikh Maxamuud Shibli waxaa sida saaxiibkii saaran culeysyo farabadan, isagoo xalinta is-maandhaafyada, dhinaca qoyska, shirkadaha ganacsiga, khilaafaadka qabiilada, kuwa dhex mara shaqsiyaadka caadiga ahhar iyo habeen ku mashquulsan, waxaana Sheikhu sidoo kale xiliyadiisa in badan oo ka mid ah uu heegan u yahay ka jawaabida su'aalaha diiniga ah ee la weydiinayo, iyadoo taleefoonada ku soo dhacaya iyo dadka sida tooska ah ugu imaanayana ay aad u badan yihiin.

Sida Sheikhu dadka ula dhaqmo

Sheikh Maxamuud Shibili, waa nin furfuran, isla markaasna aad jecleysaneyso inta aad la joogto, wuxuuna Sheikhu sidoo kale aad u ixtiraamaa dadka qeybi hiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa ku ciroobay diinta Islaamka, wuxuuna Sheikhu dadka ku booriyaa gaar ahaan dhalinyarada inay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada, gaar ahaan dadka cilmiga ku caan baxay.

Waxyaabaha Sheikh Shibli dadku aadka ugu jecel yihiin, ayaa waxaa ka mid ah,sida Sheikhu u soo uruuriyo hadalka, isla markaasna uu jecel yahay in dadku sida ugu sahlan u fahmaan waxyaabaha uu kala hadlayo, waxaana Sheikh Shibli uu caan ku yahay ka hadlida arimo aad u muhiim ugu ah dadka, sidoo kalena waxa uu si-xeel dheer u baaraa arinta uu diirada saarayo.

Sheikh Maxamuud Shibliintii uusan Nairobi imaanin waxa uu ku noolaa waddan ka Holand, waxaana uu halkaas ka waday akhrinta cilmiga, iyadoo sidoo kale ay intaas u dheereyd daboolida baahiyaha bulshadu u qabto ogaanshaha diin tooda, wuxuuna Sheikha dowr lexaad leh ka qaatay difaacida diinta Islaam ka dhinaca cilmiga, gaar ahaan marka ay timaado dacaayadaha uga imaanayey dadka aan Muslimka 'aheyn, welina Sheikhu howshaas balaaran bartanka ayuu kaga jiraa Illaahay hala garabgalee.

Labada Sheikh

Shiikh Umal iyo Shiikh Shibli waxa ay yihiin saaxiibo aad isugu dhow, waxaana ay soo wada mareen marxalado kala duwan, mudo dhowr iyo labaatan sano ah ayey saaxiibo ahaayeen, iyagoo ardo soo wada noqday, isla markaasna ilaa iyo haatan aan lakala dhexmarin.

2-da Shiikh waxa ay safaro dacwadeed u aadaan meelo ka baxsan magaalada Nairobi, gaar ahaan gobolada Kenya, iyo xeryaha qoxootiga ee Soomaalidu ku badan tahay, sidoo kale culimadu waxa ay safaro dacwadeed ugu baxaan meelo ka baxsan dalka Kenya, waxaana intaas dheer muxaadarooyinka ay ku qabtaan qalabkaisgaarsiinta, sida taleefoonada, iyagoo weliba qaarado kale dadka kala hadla.

2-da Sheikh howlaha aan soo sheegay iyo kuwa kale oo badan oo ay bulshada u hayaan wax kharash ah dadka ugama qaadaan, taas badelkeeda iyagaa ku bixiya dhaqaale, tusaale ahaan haddii ay dacwad ka gasho inay meel kale u aadaan, ama ay la xiriiraan, dadka ay howsha u qabanayaan ma weydiiyaan wax dhaqaale ah, taasna waxay kuu muujineysaa sida Culimadu ugu heelan tahay inay umadooda baayihaya ay qabto udaboolaan, ilaah ayaa baayiha bini'aadamka dabooli karee.

Intaas ayaan ku soo kufinayaa qeybtii hore ee qormadii aan ugu magacdaray labada Sheikh maxaa loogu dowgalay, hadii Ilaahay idmana waxaa ku xigi doona qormo labaad oo aan ku qaadaa dhigi doono, waxa sida gaarka ah hadda 2-dan Sheikh loogu bartilmaameedsanayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in ayan iyagu ugu horeynin culimada lagu dacaayadeeyo baraha internetka qaarkood, balse iyagu yihiin kuwa hada diiradu sida gaarka ah u saaran tahay.

Aragtid Qoraalka waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

W/Q Maxamed Nuur Shire
La soco qeybta labaad ee qormada...



boqor3@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment