Xaflad Tabaruc Dhaqaale loogu Sameeyey Cusbitaalka Gaalkacyo oo Guul ku Dhamaatay + Sawiro

Sunday October 31, 2010 - 21:04:44
0 Comments
3930
Super Admin
Dr. Dhagacade iyo Sh. Tawakal
Dr. Dhagacade iyo Sh. Tawakal
Walaalayaal waxaa noogu qabsoomay magaalada Boston tabaruc dhaqaale loogu aruurinayay isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Galkacyo Medical Center (GMC) oo lagu qabtay Masjidka weyn ee Roxbury ee loo yaqaano ISBCC-da. Mashruucan dhaqaale u guridda lagu sameynayey ayaa ujeeddooyinkiisa ugu waaweyni ahaayeen sidii loo xoojin lahaa horumarinta waxqabad ee isbitaalka howlihiisa ah.


Waxaana haddaba, kasoo qaybgalay dadweyne aad u badan oo Soomaaliyeed, hay'adaha ummadda Soomaaliyeed ee arrimaha bulshada, culimaa'u diinka iyo dhallinyarada. Haddaba, Diktoor Cabdulqaadir Maxamuud Jaamac oo ah aasaasaha isbitaalka ahna madaxa isbitaalka ayaa waxa uu dadweynaha Soomaaliyeed ee fagaaraha isugu yimid uu la wadaagay halku dhigyo murtiyeed oo indheergaradnimo ka muuqatay iyo weliba sawirro aad ay ula yaabeen dadweynihii oo in badan xasuustooda fog fadhiyi doonta. Duuduub ahaan waxay ahayd caweys ay muuqdeen hannaankii wacnaa ee hogaamineed, deeqsinimo iyo ka qaybgalka iyo midnaanta ummadda Soomaaliyeed ee reer Boston.

Walaalayaal, xaqiiqatan waxay ahayd ujeeddada ugu weyn iyo meesha la beegsanayaa ahayd in ummadda Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinku saameeyeen lagu caawiyo inay cagahooda dib ugu istaagaan markale. Qorshahani waxa uu na xasuusinayay inay jiraan bilaabasho cusub oo istaagan inuu ruux waliba ruuxa kale ee Soomaaliyeed ee dhibaataysan caawinaad u fidiyo.

Dr. Siraad, oo meteleysay habalaha Soomaaliyeed iyo gaarahaan kuwa ku nool Boston iyo hareereheeda ayaa waxay tiri, "Unugga koowaad ee bulshadu waa hooyada, haddaysan hooyooyinku helin daryeel caafimaad markay xaalad adag oo caafimaad lasoo gudboonaato waxaa dhacaysa inay reerkaas lasoo darsayso dhibaato iyo jaah wareeer.

" Ayadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay tiri, "Waxaa jira dhibaatooyin haweenka u gaar ah oo aan ragga ku dhicin, tusaale ahaan waxaa dhaca Soomaaliya in gabadha lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah kaasoo kadib dhib aad u weyn ay ka marto." Dr Siraad waxay kasheekaysay arrimo badan oo dhibaatooyin ah oo haweenka Soomaaliyeed lasoo gudboonaada oo ay ka mid yihiin kufsiga iyo dhibaatooyinka dhalmada.

Hase ahaatee, waxay Dr Siraad ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed iyo gaarahaan kasoo qaybgalaasha madasha inay gacan ka geystaan sidii loo taageeri lahaa ama kor loogu qaadi lahaa caafimaadka, rugaha caafimaad iyo dhamaan adeegyada loo qabto

Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Jaamac oo ah ninka dartiisa uu ku taaganyahay, Allah kasokow, hawlaha baaxadda leh uu isbitaalka GMC u hayo umadda Soomaaliyeed ayaa bulshada usoo bandhigay tiro koobyo ay ku sameeyeen baahida iyo cudurrada ay daweeyeen sanadkii 2008 ilaa 2010. Wuxuu kaloo bulshada tusay sawirro naxdin leh oo ku jiri doona maskaxda muddo dheer.

Waxaa sawirrada u badnaa haween iyo carruur yaryar oo lagu sameeyey qalliinno kala duwan oo ay sababeen cudurro iyo burooyin aad u waaweyn oo kasoo baxay. Diktoorka ayaa ku sababeeyey cudurrada ku dhacay dadkaan lasoo duubay inay tahay dhibaatooyinka xanuun ee ku dhaca habdhiska dheefshiidka, habdhiska neefsashada, iyo habdhiska xididdada waaweyn ee dhiig mareenka. Waxaa haddaba layaab ahayd inuu Dr Cabdulqaadir bulshada u sheegay inay jiraan yaraan xagga kalkaaliyayaasha caafimaad, dhakhaatiirta, nurse-yada, iyo kuwa dhakhaatiirta la shaqeeya. Waxa kale oo uu madasha ka sheegay inay jiraan qalab casri ah oo loogu talogalay kelyaha in xanuunadeeda wax lagaga qabto balse uu is weydiiyay "Yaa wa'ayo diktoorkii?" adeegsan lahaa.

Kuweenna fahmaya dhibaatooyinka Soomaaliya waxaa ku waajib ah inay dib u aasaasaan bulshada iyo inay ku dedaalaan ka shaqaynta arrimaha bulshada. Waxaan rabaa inaan kusoo gaabiyo tabarruca waxa uu ku dhamaaday si guul ah waxaana guushaasi u noqonaysaa bulshada Soomaaliyeed. Fadlan waxaan ku weydiisanaynaa inaad ka qayb qaadato horumarinta bulshada iyo arrimahan oo kale

Related Items


Leave a comment