Burtinle: Machadka OTTI Burtinle oo deeq waxbarasho gudoonsiyey Dhalinyaro Reer Burtinle

Monday November 08, 2010 - 19:33:37
5 Comments
3223
Super Admin
Machadka Barashada Caafimadka Burtinle ee loo yaqaan OTTI ayaa Gudoonsiiyey deeq waxbarasho caafimaad ah arday tiradoodu gaarayso 10 Arday oo ka soo jeeda Deegaanka Burtinle.

Machadka oo ku yaal DeegaanadaPuntland intooda badan ayaa waxaa uu bilihii ugu dambeeyey ka hirgalay Dagmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.Machadka ayaa deeqdiisu tahay Barashada Caafimadka qaybta Gargaarka dagdagaa oo soconaysan Muddo 6 billood(First Aid Course)

Ardayda Waxbarashada Deeqdaa la siiyey oo ah 10 arday ayaa isugu jira Gabdho iyo wiilal kuwaasoo u riyaaqay aadna ugu farxay Waxbarashada uu ugu deeqay Machadka.

Waxaa Mahad celin balaaran u soo jeedinayaa Ardaydu Machadka ka sokow soo maareeyaha Deeqda oo asagu si sharaf iyo ixtiraam leh machadka uga soo gudoomay kadibna usoo gudbiyey ardayda Mudane C/laahi Axmed Aadan (Budhug).

Mudane C/laahi oo waraysi kooban siiyey Warqabadka Burtinle Times laanta Burtinle ayaa noo xaqiijiyey deeqdaas uu ka soo gudoomay Machadka Caafimadka ee OTTI Burtinle uguna bishaareeyey in uu sugayo Deeqo kale oo ay u xaraysan yihiin Dacwado iyo Codsiyo .

Warar kale oo aan ka helayno Dagmada Burtinle ayaa sheegaya in ay jiraan dhalin yaro Badan ayayagu ku hamiya in ay helaan fursada waxbarasho hase ahaatee ay u saamixi wayday Duruufo dhaqaalle ee maanta haysata Bahwaynta dhalinyarada reer Burtinle .

Machadka oo ah machad si fiican looga yaqaan Deegaanada Puntland kana diiwan gashan Xarumaha Caafimadka ayaa u diyaara ah in uu qabto ardayda doonaysa in ay la darsaan Barashada Caafimadka,Ayada oo aysan ahayn Kharashkiisu mid badan hase ahaatee dhalinta aan shaqada hayn ku ah mid adagIyo calool xumo ayada oo ay kaafin karo $100 arday ka badan 5 arday.

Dhalinyarada ayaa marka ay waayaan Jaanisyo Waxbarasho ku jeensada falal aan wanaagsanayn sida Balwada iyo Burcad badeednimo ayaga oo ku mashquulinaya Booskii Shaqada iyo waxbaarashda. laakiinse waxaa hubaal ahhadii ay dhalintu qaar heli lahaayeen wax ka caawiya waxbarashada oo ardaygiiba ay kaafin karto wax aan ka badnayn $ 20 Dollar ay noqon lahaayeen in ay helaan waxbarasho kuna mashquulaan Horumarinta naftooda iyo Bulshadooda.

Haddii ar ardaydaan dhamaystaan tababarkaan caafimaad waxaa hubaal ah inay shaqo sitoos ah uga helidoonaan rugaha caafimaadka ee Dagmada Burtinle gaar ahaan Hospital-ka wayn ee Burtinle ee dhawaan shaqada bilaabaya.

Wixii warbixin siyaada ah ee ku sabsan Waxbarashda Machadka iyo caawinta dhalinta waxbarashda u heelan Fadlan laxirir



Maareeyaha Deeqada Waxbarasho Burtinle :

Mudane C/laahi Axmed Aadan (Budhug)

Tell:25266010602 /734970Email: Abasyare@hotmail.com

Ama

Agaasimaha Burtinletimes /Xaarxaar Online

Muhannad Abdigani Geelle

Tell:25290410000 /796685/754555

Related Items

Comments


Leave a comment