Milan oo indhaha ku haysa xiddigo uu kamid yahay Zabaleta iyo qubanayaal sport.

Tuesday November 09, 2010 - 20:30:54
0 Comments
4449
Super Admin
Pablo Zabaleta oo 25 jir ah, kaasi oo ka ciyaara daafaca iyo qadka dhexe ayaa waxaa uu kusoo biiray kooxda Manchester City sanadkii 2008 kadib markii Tababarihii hore ee Naadiga Man City Mark Hughes uu 6.45 Milyan kaga soo iibsaday kooxda reer Spain ee Espanyol.

Xidigaan Pablo Zabaleta waxaa uu u dhashay dalka Argentina wuxuuna halgan ugu jiray dhawaanahaan sidii uu ugu mid noqon lahaa xidigaha joogtada ee naadiga.

Ac Milan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay lasoo wareegto Pablo Zabaleta si ay xal ugu hesho daafaca da’da ah ee Ac Milan.

Naadiga Ac Milan ayaa aaminsan in Pablo Zabaleta ay kaga iibsan karto kooxda Man City lacag dhan 8 milyan,iyadoo Man City ay doonayso lacagaha ay ku iibiso xidigan Pablo Zabaleta ay kusoo qaadato daafaca Barcelona Dani Alves.

Dhinaca kale.

Gudoomiyaha kooxda Ac Milan ayaa wacad ku maray inuu lasoo saxiixan doono weeraryahanka wadanka Talyaaniga iyo naadiga Juventus Alessandro Del Piero.

Alessandro Del Piero oo 35 jir ah ayaa gool ka dhaliyay kooxda Ac Milan kulan dhexmaray Ac Milan iyo Juventus.

Zidane oo gaashanka ku dhugtay inuu la hishiiyay Materazzi.

Laacibkii hore ee xulka France Zinedine Zidane ayaa beeniyay warar goor hore ay qoreen warbaahinta oo sheegayay inuu la hishiyay Marco Materazzi ka hor kulankii dhexmarayay Ac Milan iyo Real Madrid Arbacadii.

Jariiradda Marca ee dalka Spain kazoo baxda ayaa qortay in Zinedine Zidane iyo Marco Materazzi ay ku kulmeen Hotelka Melia ee ku yaala wadada Masaccio ee magaalada Milano.

Waxay ahayd markii ugu horeysay ee Zinedine Zidane iyo Marco Materazzi ay kulmaan tan iyo Finalihii koobka adduunka 2006 markaas oo Zinedine Zidane uu herdiyay ama teesteeyay Marco.

Zinedine Zidane ayaa laga saaray ciyaarta Finalka koobka adduunka 2006 kadib hadal afka ah uu dhexmaray labadan xidig.

War ay qortay jariiradda La Gazzetta dello Sport ee kazoo baxda dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in Zinedine Zidane uu beeniyay inuu wax kulan ah la qaatay Marco Materazzi.

Wararkii ugu dambeeyay.

Daafaca Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in Steven Gerrard uu yahay xidiga ugu wanaagsan taariikhda kadib markii kabtanka kooxda Liverpool Gerrard uu dhaliyay saddex gool kulankii Napoli ee koobka yurub.

Full story: Liverpool Echo

Weeraryahanka kooxda Udinese Alexis Sanchez, ayaa waxaa uu u dhow yahay inuu ku biro Manchester utd.

Alexis Sanchez, oo 21 jir ah una dhashay dalka Chile ayaa wakiilkiisa wuxuu sheegay in ciyaaryahankaan uu si weyn u doonayo ku biirista Man Utd bisha janaayo ama xilliga marka uu dhamaado.

Full story: Daily Mirror

Kooxda Manchester utd ayaa u muuqata mid weyn doonta Steven Defour kaasi oo ay ceyrsi ugu jiraan naadiyo badan oo yurub ka dhisan.

Steven Defour oo 22 jir ah una ciyaara kooxda Standard Liege iyo xulka Belgium-ka ayaa waxaa doonaya naadiyo ay kamid yihiin,Real Madrid.Barcelona,Chelsea,Man city iyo tiro kale oo naadiyo yurub ah.

Full story: Daily Mirror

Kooxda Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta weeraryahanka kooxda Athletico Bilbao Fernando Llorente. Laacibkan oo dhererkiisu yahay 6ft iyo 5in ayaa waxay doonaysaa Liverpool inay lasoo wareegto ciyaaryahankan hadii ay weyso weeraryahankooda Fernando Torres oo si weyn loola xiriirinayo inuu kooxda isaga tagaayo bisha Janaayo.

Full story: talkSPORT

Tababaraha Liverpool Roy Hodgson ayaa door bidaya inuu lasoo wareego bisha Janaayo xidiga garabka naadiga Tottenham David Bentley kaasi oo aanan doonaynin kooxda Tottenham.

Full story: caughtoffside.com

Real Madrid ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro xidiga Ibrahim Affelay. Xiddigan oo u ciyaara naadiga PSV Eindhoven ayaa waxaa horey u doonayay kooxo badan waxaana kamid ahaa Liverpool,Arsenal,Manchester utd,Chelsea,iyo kooxo kale.

Full story: IM Scouting

Tababaraha naadiga Manchester City Roberto Mancini ayaa ku adkaysanaya inuusan ka tagaynin naadiga Man City kadib guul darooyin xiriir ah oo kooxdaas ay la kulantay.

Full story: The Sun

Weeraryahanka naadiga Tottenham Jermain Defoe ayaa ku booriyay Gareth Bale inuu kooxda lasii joogo isgaoo sheegay in kooxda ay u bahan tahay xidigo wanagsan.

Full story: Daily Mirror

Javier Pastore oo sheegay inuu doonayo kooxda Barcelona.

Xidiga naadiga Palermo Javier Pastore ayaa ku celiyay mar kale inuu doonayo u ciyaarista kooxda Barcelona iyo ka garab ciyaaridda Lionel Messi.

Javier Pastore oo ah xidig da’yar oo u dhashay dalka Argentina ayaa ku soo baxay mid wanaagsan oo ay doonayaan naadiyo badan oo Barcelona ay kamid tahay.

Waraysi uu siiyay Javier Pastore jariiradda El Mundo Deportivo,ayuu ku sheegay inuu ku riyoonayo u ciyaaridda Barcelona oo uu doonayo inuu ka garab ciyaaro laacibka reer Argentina Lionel Messi.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment