Qubanayaal Goos Goos ah.

Tuesday November 09, 2010 - 20:34:24
0 Comments
2531
Super Admin

Tababaraha kooxda Chelsea Carlo Anceloti ayaa hogaaminaya ceyrsiga loogu jiro daafaca kooxda Blackburn Rovers ee Phil Jones.



Kadib markii agaasimaha ciyaaraha kooxda Chelsea uu waqti ku bixiyay sidii uu u daawan lahaa kulan uu ciyaarayay Phil Jones oo 21 jir ah kaasi oo ciyaaro wanagsan kazoo bandhigay horyaalka ingiriska.



Tababaraha Liverpool Roy Hodgson ayaa doonaya inuu lasoo wareego xidiga garabka ee kooxda Wolves Matt Jarvis.



Kooxda Juventus ayaa dar dar galinaysa rabitaankeeda ku aadan Deigo Forlan,inkastoo ay loolan adag kala kulmayso kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo si weyn loola xiriirinayo weeraryahankii hore ee naadiga Manchester utd Forlan,iyadoo agaasimaha ciyaaraha Juventus Beppe Marotta uu u safri doono magaalada Madrid isagoo doonaya inuu hishiis afka ah lasoo galo Forlan.



Weeraryahankii hore naadiga Manchester utd haatana ah tababaraha xulka Juunyarka kooxda Manchester utd Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu soo gabo gabeeyo muddo 14 sanno ah oo uu joogay kooxda Manchester utd isagoo wadahadalo la leh koox ka dhisan dalka Norwey oo lagu magacaabo Molde.



Weeraryahankii hore ee naadiga Liverpool iyo xulka England John Barnes ayaa noqday aabe markiisa 7-aad kol uu ku sugnaa xarunta TV-ga SKY Sport wuxuna falanqeynayay kulankii kooxdiisa hore Liverpool ay ka badisay Chelsea Axaddii.



Mr Barnes ayaa lagu soo wargaliyay qeybti hore ciyaarta isagoo si toos ah hawada ugu jiray,waxaana loo sheegay in xaaskiisa Andrea ay ku dhashay Istibitalka wiil lagu magacaabo Alexander laakin wuxuu sheegay inuu sii joogay qeybtii 2-aad ee ciyaarta isagoo falan qeyn doono kulanka naadigiisa Liverpool ay 2-0 kaga badisay Chelsea halkii uu ka aadi lahaa Isbitalka.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment