Torres oo ku farxashay Chelsea.

Tuesday November 09, 2010 - 20:37:11
0 Comments
2181
Super Admin
LONDON(CIYAARO)– Weeraryahanka reer Spain Fernando Torres ayaa u dhaliyay Liverpool 2-0 ay kaga adkaadeen kooxda hogaanka horyaalka Premier League ku fadhida ee Chelsea taasoo ay ku casumeen Anfield.

Liverpool sanadkaan wuxuu u ahaa sanadkii ugu xumaa taariikhdeeda in ka badan 50 sano markii halka ugu hooseeya horyaalka la fariisiyay, laakiin guulo ay heshay kulamadii ugu danbeeyay waxey kooxda 18-ka koob heysata hada ku jirtaa booska 9aad ee horyaalka.

Kooxda horyaalka difaacaneysa ee Chelsea waxey hada horyaalka ku hogaamineysaa 2 dhibcood waxeyna ka sareysaa Manchester United halka 5 dhibcood ay ka sareyso Arsenal oo booska 3aad ku jirta, taasoo 1-0 qasaaro ah kala hoyaaday Newcastle.

Manchester City waxey garabka ku soo qabatay Arsenal markii ay min 20 dhibcood wada yeesheen xilli ay 2-0 kaga badisay West Bromwich Albion. Mario Balotelli ayaa 2da gool dhaliyay ka hore intii aan ciyaarta laga saarin.

Manchester City ayaa guushaan waxey u tahay tii ugu horeysay oo ay heshay markii 3dii kulan ee ugu danbeysay laga wada badiyay dhamaan tartamadii ay ciyaartay.

Balotelli ayaa ciyaarta kaga saaray markii uu jilaafay Youssouf Mulumbu, kaasoo qudhiisa laga saaray ciyaarta daqiiqadii markii uu qalad ku galay Tevez daqiiqadii 82aad.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment