Dharbaaxsho kulul oo ku dhacday Arsenal.

Tuesday November 09, 2010 - 20:39:20
0 Comments
2706
Super Admin
LONDON (CIYAARO)–Andy Carroll ayaa madaxa ugu dhaliyay Newcastle 1-0 ay kaga badisay Arsenal, guushaasoo u ah tii ugu horyesay oo ay ka helaan Arsenal mudo 5 sano ah horyaalka Premier League.

Carroll wuxuu kooxdiisa sidaan ugu suuragaliyay iney guushii 3aad oo isku xigta ay horyaalka ka helaan xilli ay tabloid newspaper ay soo daabacday fadeexado la xariira noloshiisa gaarka ah.

21-sano jirkaasi ayaa bishii tagtay la ganaaxay markii uu meelaha lagu caweeyo ee nightclub uu nin ku dhex feeray isla markaana uu xadgudub ku sameeyay gabar ay horey saaxiibo u haayeen.

Carroll goolkaan wuxuu u yahay kiisii 6aad 11 kulan oo uu u ciyaaray Newcastle waxeyna hada u soo dhawaatay qeybaha hore ee horyaalka.

Arsenal waa kooxdii 2aad oo horyaalka ku cusub oo ay qasaaro kala kulanto, bishii September waxey qasaaro kala kulantay West Bromwich Albion. Gunners dhamaadkii ciyaarta waxaa lag saaray Laurent Koscielny.

Kooxda reer London waxaa farxad u aheyd iney did u heshay Robin van Persie oo qeybtii danbe badal ciyaarta ku soo galay waana markii ugu horeysay oo lagu arko garoomada laga soo bilaabo Aug. 28.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment