Burtinle: Dareenka dadka ee ku aadan xoriyad ka qaadka odayaal dhaqameedka

Tuesday November 30, 2010 - 18:52:33
1 Comments
1493
Super Admin
Dareenka dadka ee ku aadan xoriyad ka qaadka odayaal dhaqameedka nabadaynta u tagay deeganada Maygaagle
Dadka ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa dhamaan ay ka xumadeen in ay dhacdo in xoriyada looga qaado waxgarad iyo odayaal dhaqameed nabad raadinaya sabab aan macquul ahayn awadeed

Dadka oo idil ayaa ay saamaysay arinkaan waxaa ayna ilaa hada tahay mid aan jawaab rasmi ah laga bixin karin in odayaal dhaqameed nabad iyo xasilooni raadinayo loo xiro arinkaas oo waliba si awood sheegad ah looga dalbo Lacag madax furashaa

Ilaa waqtigaan ayeysan helin xuriyad dadka iyo xoolaha halkaas ku xayiran ee loo haysto madax furashada

Dadka ayaa qaarba si u arkaa dad badan ayaa qaba in la bixiyo Lacag haas madax furashada ah halka kuwo kale ay caro iyo ciil ka joogto lacag ay bixiyaan u muuqashadeedu ha joogteen

warar ayaa sheegaya in ay lacagta in la bixiyo ay u badan tahay ayada oo aan warar rasmi ah wali la helin, warar hoose ayaa sheegaya in lacagtaas ilaa maalinta bari ah ee nagu soo aadan la bixin doono ayada oo aan la hubin in ay rumoobi doonto loosa joogee

Kala soco wixii ka soo kordha burtinletimes.com

CG-burtinletimes.com

Related Items

Comments


Leave a comment